MOORYAAN BEELEED IYO ISBAARO:-Maleeshiyaadka Dowladda ayaa dagaal ku dhex maray Siinka Dheer ka dib lacag dad laga baaday”LEEJO” oo ay isku qabsadeen!!

24634063Iska horimaad ayaa maanta duhurnimadii la soo sheegayaa inuu ka dhacay degaanka Siinka dheer oo ku yaala wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye kaasoo dhexmaray Maleeshiyaadka Dowlada  fadhigeedo yahay Villa Somalia,Waana caado ay leeyihiin inay isku qabsadaan lacagta laga baado dadka dhiban oo aan haysan dhaqaale fiican.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in iska horimadkan uu bilowday ka dib markii Maleeshiyaadku   ay ku murmeen qaabka loo qeybsanayo lacagta Baada ah “LEEJADA”.

”Rasaasta markii ay bilaabatay goobta waa laga kala cararay, waxaana arkay dhimashada qof shacab ah iyo dhaawaca labo askari oo ka mid ahaa Maleeshiyo beeleedka israraaseeyey, khasaaruhu intaas waa ka badan karaa” ayuu intaa ku daray goob jooge ka mid ahaa dadka degaanka oo saxaafada la hadlay.

Xaalada jidkaas ayaa ah meel  ay dhibaato ku qabaan dadka ku safra jidkaas oo ay haystaan Maleeshiyo beeleedka Dowlada Federaalka oo lagu ilaalsho kaaraha Amisom.

Jidkaas ayaa mudo dheer nabad ahaa,mana jirin wax Isbaaro ah oo  dadka lagu baado.

Banaadir Post.

23856108