MAQAAAL:-Baroortu Orgiga Ka Wayn, Qaylada Ictisaam iyo Faroole Sheekh La dilay Ka Wayn!

Marka hore waxaan u mahad naqayaa Allaah (SW) oo noo kala saaray xaqa iyo baadilka, ehelkoodana noo caddeeyay, Naxariis iyo Nabadgaliyo Nabi Maxamed Korkiisa ha ahaato, Intaa kadib.

Tan iyo Jimcihii aan soo dhaafnay ee todobaadkan oo magaalada Garoowe lagu dilay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax kana mid ahaa culimada waawayn ee ururka Al-ictisaam, waxa laba laxaadsaday Caydii, Aflagaadadii, been’abuurkii iyo dagaalkii ay sida wada jirka ah u wadeen Ururka Al-ictisaam iyo Faroole isla markaana ay uga soo horjeedeen Mujaahidiinta Xaq u dirirka ee Shabaabul Mujaahidiin.

Isla saacaddii la dilay Sheekh C/qaadir ayay ku dhawaaqeen in dilka ay ka dambeeyeen Alshabaab, waxaanad mooday in ay sii ogaayeen oo ay sii diyaarsadeen waxay dhihi lahaayeen marka la dilo Sheekha, Qaylo ayay afka gacanta saareen, si ay dilka sheekha u marin habaabiyaan, dadkana ugu kicin lahaayeen Mujaahidiinta, wadaadada Al-ictisaam wixii xumaan calooshooda ku jiray ee Mujaahidiinta ay u hayeen waxba kumay harin, way soo butaaceen, wayna xad gudbeen.

Nin aan is lahaa wuxuu ku jiraa ragga ugu caqliga roon wadaadada Ictisaamka oo la yiraa Sheekh Cabdinaasir ayaa hadalo aan la yaabay oo deelqaaf iyo been abuur cad ah jeediyay, oo xataa caamadu aanay ka rumaysanayn, hadaladaasi oo ah in mujaahidiintu mukhaabaraadka gaalada la sheqeeyaan,  iyadoo gaal iyo islaamba meel kasta ha joogaane ay ogyihiin in mujaahidinta iyo gaalada aragti ka dhaxayso oo midna mid kale aanu badbaadinayn, midda kale wadaadkani wuxuu sheegay arin kale oo caruurta xataa aan lagu qaldi karin, taasi oo xaqiiqdeeda uu si cagsi ah u sheegay, waxayna ahayd in wadaadadoodu gacmo ku gabad yihiin oo gaalo ka baqayaan, rag mujaahidiinta ka mid ahna ay wadamada gaalada wareegayaan, arrintaasi oo markhaati uu uga dhiganayay in mujaahidiintu gaalo u sheqeeyaan.

Waxan leeyahay C/naasirow maad caddaalad samayn, sababtoo ah waxad ku raaxaysataa Garoowe iyo meelo la mid ah oo ah xarunta Ashahaado la dirirka isla markaana ay ka howlgalaan jawaasiista caalamka ee kala duwan, qaarkood waxay leeyihiin diyaarado lagula dagaalamo Mujaahidiinta Buuraha Golis. Sidoo kale waxad ogtahay in Sheekh C/qaadir Muumin oo ah Sheekh da’ wayn una dhashay gobolada Puntland in aanu kasoo bixi Karin Buuraha Golis, iskaba dhaaf isagee qaar ka mid ah ehelkiisa oo haween ah aad Garoowe ku xirateen oo Ictisaamkii yaqaanay ay Jaasuuseen.

Midda kale wadaadku wuxuu qaladka Mujaahidiinta u daliishaday dhaqaalaha ay ku dagaalamayaan inay wadamo shisheeye ka helaan, isagoo is waydiiyay siday ururyari intaasoo sanadood dowlado waawayn ula dagaalami karaan?  waxaanu isku dayay inuu dadkii dhagaysanayay ku qanciyo in mujaahidiintu dowlado shisheeye u shaqeeyaan, arrintaasi marka aan wadaadka uga jawaabo waxaan leeyahay, Mujaahidiinta Allaah ayaa arsaaqa, Allaah ayaanay talo saarteen, mana hogaamiyaan wadaado mashaariicaystayaal ah sida Ictisaamka oo kale oo afar jeeblayaal ah. Waxan ku waydiin lahaa dowladdii Nabi Maxamed (SCW) iyo Abii Bakar (RC) ee dowladaha waawayn la dagaalamayay yaa biilka siin jiray?

Arrinta dhaqaaluhu waa wixii ugu badnaa ee ay ku hallaabeen wadaadada Ictisaamku, sababtoo ah waxa lacagta siin jiray Sacuudiga, waxaanu amar ku siiyay inay kala diraan ciidankooda mucaskaraadkoodana ay xiraan, taa badalkeedana lacag la siinayo, runtiina way aqbaleen oo waatii sida faahfaahsan uu inoogaga waramay Abu Ibraahim Maqaalkiisii uu cinwaaka uga dhigay “Masoo gaaray gaal iyo wadaad gaadh u wada taagan”. Wuxuu Abu Ibraahim sheegay in Lacag tiradeedu aad u badnayd la keenay mucaskaraadkii oo dhalinyadii lagu tashkiiliyay inay deegaanadooda ku laabtaan lacagna qaataan, sidoo kale waxa arintaasi ka dhawaajiyay Sheekh C/laahi Raabi markii uu ka waramayay taariikhda Itixaadka.

Waxan Kusoo gabogabaynayaa Ictisaamow Baroortiinu wadaad la dilay way ka wayntahay, Faroole arrintiisu way caddahay dadkana u dhuuman maayo in uu Ashahaado la dirir diin laawe ah uu yahay, laakiin Idinku bulshada waxaad ku Qaldaysaan shaati Culimo, waxan idinkula talinayaa arrintiinu waa aduunyo raadis ee xaasaskiina iska raacda oo Mujaahidiinta Iyo gaalada u kala baxa, dhiigiinana Mujaahidiinta ha ku kalifina.

Qalinkii: Khadar C/raxmaan (Abu Cali)

Email: abu-cali@hotmail.com