Sanadihii ugu dambeeyay dowladdaha Deriska la ah Soomaliya waxay ku howlnaayeen sidii ay u burburin lahaayeen wixii maamul Islaami ah ee laga yagleelo Soomaaliya iyo sidii ay u qabsan lahaayeen gobolada dhaca xuduud beenaadyada dhinacooda xiga.
Dowladahaasi waxaa Hormuud u ah Ithopia iyo Kenya, waxay bilaabeen in mid kastaaba uu soo dhiso maamul isaga u gaar ah, halka midka kalena uu kasoo daba dhiso maamul kale, halkaasna waxaa ka dhacay isku dhac beeleed.
Dhawaan dowladda Kenya waxaa ay waday wax ay ku sheegeen maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka oo haatan ay qeybo ka mid ah gumaysi ay ku joogaan ciidankeedu sida magaalada Kismaayo iyo meelo la mid ah iyadoona rabay in ay isku darsadaan Gedo iyo Jubbooyinka si ay kheyraadka halkaasi ku jira ay u qaataan iyo si ay u gumaystaan shacabka Muslmiinta ah una gaalaysiiyaan.
Waxaana arintaasi dhowr jeer isku qilaafay dowladdaha gaalada ah ee Kenya iyo Ithopia oo dhowr jeer xitaa ay ku shireen magaalada Nayrobi si xal looga gaaro gumaysiga shacabkeena Soomaaliyeed, wey isku qilaafeen laakiin arinta waxaa Soo dhaxgalay Ururka isku sheega Midowga Afrika oo ku taageersan in gumaysi Afrikaan ah la galiyo shacabka Soomaaliyeed laakiin raba in si is afgarad ah loo gumaysto.
Maamulo wada hadal ay ku jireen kadib waxaa go’aan soo saaray ururka Midowga Afrika oo u qeybiyay dhamaan gobolada xiga dowladaha Nasaarada deriska nala ah waxaana lagu heshiiyay in la kala googooyo gobolada.
Gobolka Gedo oo noqday gobol laba geesood ah ayaa waxaa uu u kala go’ay in dowlad kasta ay u soo dhisato maamulkeeda gaarka ah, waxaana maalintii shalay gudaha degmada Doolow dhulka Soomaaliyeed oo haatanba ay gumaystaan Nasaarada Ithopia ka furmay shir ay soo qaban qaabisay Ithopia kaasoo ay maamul ugu samaysanayaan gedo iyo Jubbooyinka si ay ula dagaalamaan qabaa’ilka Soomaaliyeed ee halkaasi dega.
Waxaana shirka ay ka soo qeyb giliyeen qaar kamid odayaal iyaga ku fikir ah, waxana soo baxay hadda waxyabihii ay markii hore ay ka digi jireen mujaahidiinta Soomaaliya Belse qaar kamid ah odeysha dhaqanka iyo waxgaradka fahansan dhibaatada oo gumaysigu leeyahay ayaa waxa ay si cad kaga soo hor jeesteen maamulkaasi iyagoona sheegay in ay dagaal ka xigaan arintaasi.
Banaadir Post.