MAQAAL:-Jawaari kama xishoonin wixii oo ka xishooday Faarax Macalin.

24597296Sida aan Wada Ognahay Soomaaligalbeed (Ogadenia) Waa dal Gumaysi Kujira oo Gumaystihii reer Yurub ee Kala qayb qaybiyay Soomaaliya uu Kuwareejiyay Ethiopia Sanadkii 1948 ilaa Wakhtigaa Laga soo bilaabo Wuxuu Kujiraa Dalkaasi Gacanta xabashida Shacabka Halkaa Kudhaqani Wuxuu Ilaa Xiligaa Kujiraa Kacdoon uu Kudiidan Yahay Gumaystahan Africanka ah Iyadoo Shacabkaa ay Kolba Kadhex Dhalanaysay Jabhad Hogaamisa Kacdoonkaa Shacabka Waxaana Wada Xasuusanaa Inay uso Nafwaayeen Kumanyaal WSLF Kadib Markii ay WSLF Hagaastay Siyaasadii Jamhuuriyadii Soomaaliya oo aan isu Dheelitirnayn awgeed Waxaa halgankii Dib unooleeyay Raadkii WSLF Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya (ONLF) Jabhadan oo ay Aaas aasaaseen Madaxdii WSLF ee Kasoo Jeeday Soomaali Galbeed(ogadenia)iyaga oo saxay Khadkii Siyaasiga ahaa Maadaama ay Waayo Aragnimo Kadhaxleen Wixii Burburiyay Jabhadii ay Madaxdeeda kamidka ahaayeen ee WSLF.

24521542

Hadaba Markii uu Dhacay Xukunkii Mingesto Hayle mariam 1991 Tegreega oo ahaa jabhadii Kuguulaysatay Adis ababa Qabashadeeda Waxay Jabhadihii kale ugu Baaqday in lasamaysto Axdi(jaartar) kumeel Gaadh ah Waxaana Halkaa isugu Yimaaday Jabhado Badan oo ay ugu Xoogbadan tahay jabhada Eritrea Waxaana Lasamaystay Axdi(Jaartar) Kumeel Gaadh ah oo Sadex sano ku eg Waxaana Lagu Qeexay Jaartarkaa Dalka in Nidaam Federaal ak Lagadhigo Qowmiyad kastana Sadex sano Markay Joogto Hadii ay u aragto ethiopi inayna Lanoolaan karin Baarlamaanka Qowmiyadaasi Waa in Cod laga Qaado oo haday ucodeeyaan Xubnaha Baarlamaan kaasi Sadex meelood Laba kamid ah in afti lagaqaado Shacabka ay matalayaan in Qawmiyadaas Shacabkeeda afti Lagaqaadi oo Shacabkaasi uu isaga aayihiisa gacanta ugu Jiro.

Hadaba Ururka ONLF Waxba Muuna Kahor imaanin arintaa isaga oo u arkayay inaytahay arintaasi Xal Lagu Soo afjari Karo Mushkiladan Gumaysi ee Mudada Dheer Ku habsatay Shacabka Soomaaliyeed.

Hadaba Qawmiyadii Soomaalidu Waxay Sadexdii Sano Gudahooda samaysatay Baarlamaan Karaasta Baarlamaan kana Waxaa Kuguulaystay ONLF oo Heshay 84% Axsaab yar yaroo Latar tamaysayna waxay heshay inta kale.

Hadaba Markii ay Dhamaatay Sadexdii Sano ee Axdiga Kumeel Gaadhka ah Lagu Qortay Waxaa Aftidii laga Qaaday Ku Go’ay dalka eritrea.

Dhinaca Shacabkii Soomaaligalbeed Xukuumadii uu hogaaminayay Meles Zinawi Markii ay ucadaatay Shacabkaasina Inuu Go’ayo Sida Eritrea oo hadii Aftida Laga Qaado uu ucodayni Gu’itaan 100% ayaa waxay Bilawday Xukuumadii Meles Inat Tiraahdo Axdigii Waa laga Noqonayaa oo dastuur Rasmi ah ayaa wadanka Loosamayn Waxayna Rabtay Inay Ku Qorto Tastuurka ay Sheegi Waxyaabo Mustaxiil Kadhigaya Gu’itaanka Qawmiyadii Damacda inay Go’do.

24566038

Shacabkii Soomaali Galbeed Arintaa Gaashaanka ayuu Kudhutay Xukuumadii Meles Zinawina Waxay Markaa Bilawday Xasuuq ayna Ukala Aaabo Yeelaynin Madax iyo Minjo Waxayna Laynta Madaxda Kaga Bilawday Madaxdii Gobolada iyo Degmooyinka ee Shacabku Sida Xorta ah uu Usoo Doortay Waxayna Kadhigtay Qaar ay Dadka Hortiisa Kutogtaan iyo Wax Habeenimo Intay Guryahooda Kalabaxday Ilaamaanta Meel ay Ku uus Xabaashay aan Lagawaramin.

Waxaa Kamid ahaa Mas’uuliyiinta Habeenka Madaw ay Labaxeen Ciidanka Gumaysiga Etiopia Gudoomiyihii Magaalada Doday Ugaas Miraad Layli Meel uu Kudanbeeyayna Aaan La aqoonin. Madaxda Shacabka Hortiisa Lagu Toogtay Waxaa Kamid ahaa Gudoomiyihii Magaalada Qabridahre Mohamed Cumar Tube iyo Kuxigeenkiisii Deeq Maxamuud Carab. Waxaa Kaloo Kamid ahaa Gudoomiye Kuxigeenkii Magaalada Wardheer C/laahi Ganay iyo Gudoomiyihii Magaalada Qalaafe Diiriye Dhaqane.

Shacabka Sida arxan darada ah ay Uxasuuqeen Ciidamada Gumaysigu Waxaa Kamid ahaa in Kabadan 80 Qof oo hal maalin ay Kuxasuuqeen Magaalada Wardheer intaa Dhacdo eenhada Xusay Waxay Wada dheceen bilgudaheed (february-1994)

Intaa ay Ciidamada Tigreegu Xasuuqa iyo Caga Juglaynta Ku hayaan Baarlamaankii Shacabka Soomaaliyeed uu Soodoortay oo ay Xukuumada Zinawi rabtay Inay Cabsadaan Dhag Jalaq mayna Usiinin ee Waxay Bishaa February 1994 ee Xasuuqaasi Dhacayo Dhexdeedii ucodeeyeen in Shacabka ay Matalayaan Afti Lagaqaado Codkii Baarlamaankuna Wuxuu Udhacay 100%.

Hadaba Marki ay Arintaasi dhacday Ethiopia Waxay Siidar dar galisay Xasuuqii oo Waxay Kaga Bilawday Baarlamaanka Laftiisii oo Ninkii Sharka Hogaaminayay intay Xabsi Utaxaabtay ay hadana Irbad Suna Kudhuatay Isaga oo Maydana uun La arkay.

Isla maalmahaa Wuxuu Meles Zinaawi Soo uruuriyay Ugaasyadii Salaadiintii Wax Garadkii Shacabka Soomaaliyeed ee Ogadeni a Kudhaqan oo idil Wuxuuna Marar Kala Gadisan KulaShiray Magaalooyinka Herar,Goday Qabridahre Waxayna Hal Coda oo ay Isku Waafaqsan yihiin Ugu sheegeen Odayaashaasi Meles Inayna Doonaynin Ethiopia Kamid Noqoshadeeda Sibuuxdana ay Utaageersanyihiin Go’aankii Baarlamaanka ee ahaa in shacabka Afti Buuxda Laga Qaado oo uu Ku Go’aamiyo aaayihiisa. Meles Zinaawi Markuu Arkay Dadkani Inay Isku Wada Mawqifyihiin Madaxbanaani Mooyee Wax Kaloo Deeqaana uusan Jirin Wuxuu Go’aan Saday Inuusan Ruux Kareebin Mid isaga Nacamle u ah mooyee oo Ufuliya Qorshihiisa Gumaysi.

24416447

Ururka ONLF oo Isagu Dawlada Shacabka Soomaaligalbeed uu Doortay Hogaanka uhayay Markii Xasuuqii Shacabkii Lagadayn Waayay oo Ciidamada Gumaysigu ayna ukala Aaabo yeelin Rayad,Ciidan, Gudoomiye Gobol,Iyo Baarlamaan ayaa wuxuu Iclaamiyay In Xafiisyada Iridaha Laysudhufto oo la’iska Difaaco Cadawga Duulimaadka Kujooga Dhulka soomaaliyeed Halkaas ayuuna Kubur buray Maamulkii Sida Madaxa Banaan uu Shacabku usoo Doortay Wuxuuna Shacabkii U istaagay Siduu Isaga Caabin Lahaa ee Uusharafkiisa Udifaaci Lahaa Waxaana Dalka Kasocda Maalintaa Laga Soobilaabo ilaa Hada Dagaal Lagu Xoraynayo Dhulka Soomaaliyeed Ee Ogadenia.

Intaa Markii ay Dhacday Ethiopia Waxay samaysatay Wax ay ugu Magacdartay Maamul La yidhaaho dawlad Deegaan soomaali oo ay iyaduudhiibtay Ashkhaas Dhiiglaawe yaal ah oo Ufuliya Daneheeda Gumaysi Waxayna Kuxasuuqdaa Shacabka Maalin iyo Habeenba Iyada oo Marmarsiinyo Uga dhigaysa Way iga Soo horjeedaan Oo nabada ayay Diidan yihiin Laakiin arinku Saas ma’ahan ee Waa Cadaawad ay uhayso Umada Soomaaliyeed Wuxuuna Hadafkeedu Yahay ethiopia Shacabkan ay gumaysato intay Dhamayso Inay Usoo Gudubto jamhuuriyadii Soomaalia oo isna ay isirtirto.

Hadaan udaadagno Ciwaanka Maqaalkan Ninka Horjoogeha Ka ah Maamulka Kililka Waxa ay ugu Yeedhaan ayaa Wuxuu Ufuliyaa Gumaysiga Udhiibtay Meesha Borabagaando lagu Dulminayo Shacabkaa Soomaaliyeed ee dhiban isagoo Gumaysigu isku dayaya Waxaan Jirin inuu Kadhaadhiciyo Umada Soomaaliyeed Maylay joogaanba oo ah inuu Hormar Kajiro Deegaanka taasoo ah Waxaan sal iyo Raad toona lahayn Waxayna Qandaraas kusiiyeen arintaa iyada ah Warbaahinta Soomaaliyeed Qaar kamd ah oo uu Kamid yahay Universal TV waxayna Kusoo Bandhigaan inta Badan sawiro aan deegaan kaba ahayn oo Lagasoo qaaday dhulka Tigreega Hormar baad sheegi ee Wuxuu Kujiraa dhulkaasi Go’doon Midka Qasa Kaxun. Wuxuu shacabkaa Soomaaliyeed ee Kunool Ogadenia ku xidhnaan jiray oo Wax uga iman jereen Soomaaliya Sida Boosaaso iyo Muqdisho ilaa 2007 laga Soobilaabana Wax uga yimaaday Majiro oo Kootara baan bay kadhigtay Wixii Soomaaliyaba Kayimaada. magaalada Jigjiga Kaligeed ayaa Waxay kasameeyeen Waxyaroo ay ugu tala galeen inay u adeegsadaan borabagaandada.

Faaxar Macalin oo Gudoomiyaha Baarlamaanada Africa ahna Gudoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Kenya ee hada Wakhtigiisu Dhamaaday ayaa isaga oo Jooga Adis ababa una yimaaday Shir ay Kulahaayeen Baarlamaanada africa Halkaas ayaa Waxaa lasoo Xidhiidhay Cabdi ilay oo ah nin ay ugu yeedhaan Madaxweyne dawlad deegaanWaa Wuxuuna kuyidhi Faaraxaw Noogu imaw Jigjiga Faarax Macalin Arintaa Gaashaanka ayuu Ku dhuftay Mar wax laga waydiiyay faarax Macalin diidmada uu diiday jigjiga Booqashadeeda ayaa Wuxuu kujawaabay Jigjiga hadii aan Booqdo Waxay kadhigan tahay Inaan Raali ka ahay Xasuuqa Maalinkasta Gumaysigu uu kuhayo Shacabkaas kan iiyeedhaya ee Gumaysiga Wakiilka uga ahna Wuxuu uun Doonayaa in intii laygu garab sawiro Layidhaahdo Faarax Macalin baana Soobooqday oo borabagaandada la ii adeegsado Shacabkaa Lagu Hafrayo.

madoobe-1

Hadaba Prof Mohamed Sheikh Osman Jawaari Muuna Kaxishoonin Wuxuu isu Quudhi waayay Faarax Macalin Mise Wuxuuna Fahan sanayn Waxa Loogu yeedhay ee ah in Borabagaandada Loo adeegsanayo? hadiise isaga oo Kawarhaya Waxa halkaa kajira uu hadana iska Booqday Sooma aha Taas Macnaheedu inuu Prof jawaari Duudsinayo oo uu Kubalan Furay Kumanyaal Kamid ah Ciidamadii jamuuriyadii Soomalia iyo abhadii WSLF? Isaga oo Waliba ah Mas’uulkii ugu Horeeyay oo Kasocda Dawlad Soomaaliyeed oo Booqasho Kutaga Meel kamid ah Dhulkaa ethiopia Gumaysato.

Goobaha Latusay Jawaari Waxaa kamid ah Jaamacada Jigjiga oo loogu oo loosameeyay in loo adeegsado Borabagaandada Xogta umada Soomaaliyeed ay kahayso jaamacadaas Maxay tahay hadaba? Dafcadii ugu horaysay ee Kaqalin Jabisa Jaamacada Waxaa War Kasoo diyaariyay Wariye kamid ah BBc-da oo markaa Socdaal kujoogay Jigjiga Wuxuuna yidhi (Jaamacada Jigjiga Waxaa kaqalin jabiyay dadgaadhaya 1000 qof, 900 oo kamid ah dadkaasi Waa itoobiyada kale Sida axmaaro oromo iwm 100 kaliya ayaa Soomaali ka ah Waxayna isugu Jiraan Soomaaliland, buntland, iyo Soomalida degaanka) hadana dadka dhigta Jaamacadaa Tirada itoobiyaanku intaa way si kordhaysaa halka soomaalida aad loogu daadiyo schoolka si aynaba Ugalin Jaamacada.

Jaamacada noocaas ah inta uu booqanayo Prof Jawari Muu Booqdo Jeelasha Buuxdhaafay ee lagu Ciqaabo dadka oo uu kamidka hayay Jeelka Wayneen ee ay kumagacaabaa jeelka dhexe ama Jeel Ogaden ee ay kujiraan 20000 oo aan waxba galabsanin maalin kastana Qaar kamid ah lagu uus xabaalo halkaa?!!!.

540577_117163385089221_100003866814594_80108_2041541885_n

aniga oo ah Muwaadin soomaaliyeed Waxaan kacodsanayaa Baarlamaanka Soomaaliyeed Inay Waydiiyaan Sababta uu Prof jawaari u xaqiray Dhiigii Mujaahidiintii Soomaaliyeed? oo uu utagay dhulka umada soomaaliyeed kudhaqantahay ee Xasuuqu kajiro Maalin iyo Habeenba?.

Danab_77@yahoo.com
Danab Mohamed

24530327