LOOMA OOYAAN:- XEERKA 4.5 IYO XUMAANTIISA XASAN GARGUURTE MA OGYAHAY?

24597296 (1)Fagaare ku yaalla Scoula Polizia  ee degmada Waabari ayaa lagu toogtay  wax lagu sheegay Seddex Askari oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Dowladda Fedraalka, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Melliteriga, laakin waxaa la yiri waa been aan raad lahayn,waxaana la sheegay in la daayay kuwii dhibka gaystay,laakin rag kale lagu bedalay.

Askarta Dowladda Fedraalka ayaa magaalooyinka ay joogaan waxay si bareer ah ugu laayaan dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan,hadana lama soo qabto!

“Ma aaminsani inay cadaalad yihiin ama ka imaan karto kuwa ilaah duleeyay” waaxaa yiri ka mid odayaasha dhalay wiilasha la dilay.

“Waxaan cadalaad ka sugayna  ALAHA  WEYN ee koonka iska leh” waxaa yiri  qof aad u yaqaan raga la toogtay mid ka mid ah.

Xeeerka lagu dilay ragan waa xeerka ku qoran Dastuurka loo yaqaan “Dastuurka Mahiiga” oo dadka Somaliyeed  loogu keenay in lagu duleeyo Diintoodana  looga dheereeyo.

“Xukun baadil lagu raadshay dhika looga biximaayo”

Banaadir Post.

24482992