DHAGEYSO:-Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada shisheeye ee Amisom ayaa nin sarkaal ah ku jiiray inta u dhaxaysa Ceelasha biyaha iyo Afgooye,maydkiisana jidka kaga tagay!!

24601043Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada shisheeye ayaa nin sarkaal ah ku jiiray inta u dhaxaysa Ceelasha biyaha iyo Afgooye.

Maxamuud Hilowle ayey kolonyadu ku dul mareen deegaanka Calamada sida oo   sheegay Col. Hilowle Ciise Hagareey oo kamid ah saraakiisha ciidanka DF, mana ahan markii ugu horeysey oo ku kacaan falkan oo kale ama kasii xun.
Col. Hilowle ayaa sheegay in ciidamada shisheeye aaney u istaagin sarkaalka ay jiireen, kaasoo daqiiqado kadib u geeriyooday dhaawac halis ah oo soo gaaray.

23612604

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Col. Hilowle.

Ciidamada shisheeye ayaa horey ugu caan baxay in ay jiiraan gaadiidka dadweynaha, askarta, ardayda iyo xoolaha, waxayna u muuqdaan in ay u dalaceen dilka saraakiisha dowladda Federalka ah.

Horey waxaa loo xusuustaa dhacdooyin naxdin leh.

Sannadkii 2011-kii dhallinyaro salad jimco ku dukaneysa bannaanka hore ee masjid ku yaala nawaaxiga Nambar Afar ayey si ula kac ah u jiireen.

Waxaa xigtay haweeney xaamilo ah oo ay Taangi ku dul marsiiyeen isgosyka KM4, taasoo lagu magacaabi jiray Falastiin Cali Cusmaan.

Bishii lasoo dhaafayna gaari Taxi ah iyo laba qofood ayey ku jireen Ex Baarlamaan, halka nawaaxiga madaarkana ay ku jiireen qof dhoofi lahaa sida uu sheegay taliyaha Taraafikada gobolka Banaadir Cali Gaab.

23612604

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Cali Gaab.

XOGTA WARKA RADIO ALFURQAAN.COM

23510058