DHAGEYSO: Taliyaha ciidanka Badda Jenaraal Faarax Qarre. “Ciidanka Badda Waxaa Biila Mareykan iyo Yurub, Tiradoodana Lagama Badin Karo Inta Ay Doonayaan”.

24583921Faraax Axmad Cumar (Faarax qare) Taliyaha ciidanka Badda ee dowladda Federalka  ayaa sheegay in sannadkii lasoo dhaafay ay la kulmeen caqabado adag oo hawshooda ku saabsan weli xaalku sii xunyahay.

Wuxuu sheegay inaaney si joogto ah u heli jirin mushaarka ciidamada, markey ugu badato lixdii bilood ayaa waxaan ka heli jirnay buu yiri’ laba bilood.

Mareykanka iyo Yurubta ayuu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa dhaqaalaha siiya oo ay hoos tagaan, waliba waxa uu sheegay in culeys dheeraad ah kala kulmayaan xagooda kaasoo ah in aanu isagu qoran Karin ciidamo badan illaa uu la xiriiro Mareykan iyo Yurub.

Wadamadaasi gaalada ah waxay boob ku hayaan kheyraadka dalka iyaga ayaana idin siiya dhaqaalaha oo aad awaamiirtooda ku shaqeysaan, sow la idinkuma tilmaami karo inaad tihiin dad aanan xor ahayn? ayaan weydiinay Faarax Qare, wuxuuna ku jawaabay maahmaah.

Wuxuu sheegay in baddu kheyraad dhex ceegaago ayna ogyihiin in maalin walba la boobo haddana loo socdo, laakin hadafkoodu yahay inta laga itaalsanayo in qolo walba waxay tahay lala ahaado (Intaad ka itaalsataan ninkaad aragtaba ahaw).

Haddii qolo walbaba waxay tahay lala ahaado aaway caqiidadii, aaway qadiyaddii? arimahan oo dhan waa kuwa ay isku wada mowqif ka yihiin dowladda federalka ah iyo culimada ictisaamka.

Ma dhici kartaa haddii qolo walba waxay tahay lala ahaado in xoriyaddii soo noqoneyso Allaahna uu ku raali noqonayo?.

23612604

Dhagayso wareysiga Faarax Qare

Xigasho: Radio Alfurqaan

24482992