Saacid Shirdoon oo La Taliye looga dhigay nin Ingiriisi ah.

24565175Wararka laga helayoVilla Somalia ayaa waxay sheegaya in Justin Marozzi loo magacaabay la taliyaha khaaska ah ee Saacid Shirdoon!

Justin oo ah nin u dhashay dalka Ingiriiska ayaa waxa uu Ra’iisul wasaaraha kala talin doonaa dhanka safarada, siyaasadda iyo arimo kale oo qarsoon oo aan afka laga sheegin.

Ninkan ayaa waxa uu kamid ahaa in muddo ahba siyaasiyiinta reer galbeedka ee loo soo wakiishay in ay sahmiyaan ama ka tala bixiyaan sida lagu qabsan karo Soomaaliya. Waa nin aad u luqad yaqaana siyaasiyiinta Soomaalida intooda gaalada u nugul.

Wararka kale ayaa jira oo sheegaya in Xassan Sheekh Maxamuud uu isna qof ajnabi ah la taliye loo dhigay laakin taa lama hubo weli.

Shariif Sheekh Axmad ayaa isna waxaa la taliye u ahayd haweeney Mareykan ah taasoo uu xilka la taliyaha u magacaabay ka hor inta aanu magacaabin Ra’iisul wasaare Sharma’arke.

Banaadir Post.

118425_600