Gadoodka ciidamada Itoobiya ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay iyadoona laga cabsi qabo farqiga qabiilka ee ka dhex jira ciidanka Itoobiya inuu daciifiyo maamulka Hailamriam Desalegn ee Tigreega Itoobiya maamula.
Soomaali Galbeed gaar ahaan gobolka ay ku magacaabeen Liibaan ayaa xaqiijinaya in nin askarta Ciidamada Itoobiya ka mid ah uu xerada ciidamada ku dilay Sarkaal sare oo aad looga yaqaanay deegaanadaasi.
Shalay ayay aheyd markii sidani oo kale lagu dilay xero ku taalla magaalada Harar sarkaal sare oo Itoobiyaan ah kaas oo heystay Saadka ciidamada Itoobiyaanka ah ee qeybta ka ah duulaanka lagu soo qaaday Hiiraan, Gedo iyo Bay iyo Bakool ee gayiga Soomaaliyeed.
Banaadir Post