WARBIXIN:-Idaacad Goor Dhow Qabaneysa Barnaamij Ay Amisom Kala Talineyso Dhanka Ammaanka!!.

24530360Idaacad la sheegay inuu leeyahay safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Muqdisho laguna magacaabo Kulmiye ayaa sheegtay in ay dhawaan qabaneyso barnaamij ay talo dhanka ammaanka ah ku siineyso ciidamada Afrikaanta iyo DF.

Hadalkan ayaa waxaa shaaciyay C/qaadir Dul-yar oo kamid ah maamulka idaacadda xilli uu khudbad ka jeedinayay xaflad loogu dabaal dagayay sannad guuradii labaad ee kasoo wareegatay aasaaska Idaacadda.

Wuxuu sheegay in ay ka tala bixin doonaan ammaanka, khataraha iyo wax yaabaha dhaawici kara sumcadda Amisom iyo dowladda Federalka.

Waa Idaacad Noocee ah Kulmiye?

Idaacaddan ayaa waxaa Muqdisho laga aas aasay maalmo kadib markii la furay safaaradda Itoobiya ee Muqdisho, waxeyna u muuqataa in la siiyay magaca Jabhaddii Kulmis ee ay Itoobiya usoo adeegsatay dagaalkii Balambal.

Idaacadda looma dhisin ama looma kireyn guri ay ku shaqeyso ee waxaa xoog lagu dajiyay guriga Hooyooyinka oo ah dan guud kaasoo laga saaray qoysas masaakiin ah oo gobolo kala duwan ka yimid.

Idaacaddan ayaa ku caan baxday qabashada barnaamijyo lagu taageerayo ciidamada Itoobiya iyo kuwa Amisom. waqtiyada qaar waxay wareysataa Cabdi caziiz Gurgure safiirka Itoobiya ee koofurta Soomaaliya iyo madaxda ciidamada Amisom iyagoo shacabka u muujinaya in ay yihiin dad ka shaqeynaya maslaxadda ummada.

Taliyaha guud ee ciidamada Amisom oo ay ka wareysteen sannad guuradooda iyo sida ay u shaqeeyeen ayaa wuxuu sheegay in uu ku faraxsanyahay lana dhacsanyahay halganka ay ku jiraan.

Taliyaha ayaa waxa uu muujiyay in Idaacaddu tahay midda kaliya ee sida daacadnimada ah ula shaqeysay Amisom.

Sidoo kale ergayga Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa Idaacaddan ku bogaadiyay hawsha ay wado taasoo muujineysa in lagu sii dhiira galinayo u sacyinta gumeysiga dalka heysta.

Iyadoo Idaacaddu saa tahay ayaa haddana waxay sameysatay halkudheg khilaafaya siyaasadeeda kaasoo ah (Kulmiye kulama jirto kaamana jirto) halkan waxaa ku dhaboobaya hadalki Allaah SW ee ahaa “kuwa munaafiqiinta ah waxay afafkooda ka sheegayaan,  wax aanan quluubtooda jirin”(يقولون بافواههم ما ليس في قلوبهم)

Siyaasadda Idaacadda Kulmiye kuma eka buunbuuninta gaalada oo kaliya, hayeeshee waxa kaloo ay qeyb ka tahay war baahinta qandaraaska lagu siiyay fasaadinta shacabka muslimka ah ee Soomaaliyeed.

Waxaa cadeyn usoo qaadan karnaa barnaamij ay qabato habeenka jimcaha laguna magacaabo Caweska, waxaa khadka loo furaa dadka iyadoo la leeyahay ku luqee heesaha, waxaa la yaab leh in xitaa qofka loo shidayo music aan cod lahayn si uu u raac raaco ama u keeno heesta (Cllassical music).

Kulmiye iyo Shuruucda Saxaafadda.

Anigu ma aqoonsani qawaaniinta gaaladu dajisay ee saxaafadda laakin waxaan is dul taagayaa sida ay kulmiye ugu dhaqanto.

Waxaan dhihi karaa gabi ahaanba kuma dhaqanto shurcuucda loo sameeyay, saddax qodob ayaana kasoo qaadanayaa.

Dhaxdhaxaadnimo: si cad ayey u hareer martay waxayna u janjeertaa gaalada oo talooyin ayeyba siinaysaa.

Sugnaan: wararkeedu kuma dhisna sugnaan oo waxaad arkeysaa mas’uul ay yiraahdeen wuu dhintay oo haddana nool, magaalo ay yiraahdeen Amisom ayaa qabsatay waana nabad oo dumarkii lagu kufsanayo iyo dhacdooyin kale.

Cadaalad: gaaladu waxay cadaaladda saxaafadda ku sheegeen iney tahay mid garteeda siineysa dhinac walba sidaa dareteed arintaasi wey ka fogtahay Kulmiye sida gaaladuba afka uga sheegtaan ficilkana uga fogyihiin. قال تعالي: (والكافرون هم الظالمون).  

     

Idaacaddu kama hadasho xasuuqa ah ee ay gaaladu u geystaan shacabka Soomaaliyeed, waxaa ugu dambeeyay xasuuqii ay Faransiisku Buulo mareer ugu geysteen dad xoolo dhaqato ah iyo caruurtooda, xasuuqii Amisom ee ka dhacay Leego, waxaa intaa dheer inaaney marnaba soo hadal qaadin duqeyn ay dayuuradaha Kenya muddo sannad ah ka wadeen Gedo iyo Jubooyinka.

Baaq

Shaqaalaha idaacaddaasi iyo kuwa la midka ah intooda waanada u nugul ee caqliga u saaxiibka ah waxaan ugu baaqayaa ama ugu naseexeynayaa in ay marka hore Allaah ka baqaan kadibna is xisaabiyaan.

Ha noqonina kuwa adduun iyo aakhiraba u waaya dan gaal leeyahay ama wax aanan nacfi idiin lahayn.

Eega shaqada aad qabaneysaan, halista aad galeysaan iyo sida ay u raaxaysanayaan dadka milkiilayaasha ah ee ku liibaanaya khataraha aad u bareereysaan.

Ugu dambeyntii waxaa iga waano ah in aad Allaah ka cabsataan oo aad Alaah uga towbad keentaan filcilka aad ku jirtaan oo ah mudaaharah (gaal la safo oo islaamka la dagaalan)

قال تعالي: (ولا تركنو الي الذين ظلمو…) وقال ايضا: (ومن يتولهم منكم فانه منهم..)

WQ: Guuleed Maxamad Gacal (Towxiid).

24530327

 

24521542