Guriga Axmed Jimcaale Maleele waxaa xoog ku qaatay nin ka tirsan Maleeshiyo Beeleedka Raaskabooni ee u hogaamiyo Axmed Madoobe,kuwaas oo intooda badan an ahayn dadka degan Jubooyinka iyo Kismaayaba.
Axmed Jimcaale Maleele ayaa macalin ka ahaa mid ka mid ah xarumaha Bisha Cas ee magaalada Kismaayo,waana reer Kismaayo magaalada waa laga yaqaan reer ahaan iyo qof ahaanba,laakin askariga wuxuu ka yimid meelo kale oo dadka qaar sheegayaan inow yahay reer Gaariso dhulka kenya ka haysato soomaalid,laakin qabiil ahaan oo yahay Raaskabooni!
Goob joogayaal ayaa sheegaya in dilkan uu yimid ka dib markii marxuumka iyo askari ku sugnaa saldhiga magaalada Kismaayo uu soo kala dhex galay muran sababay gacan ka hadal xili la qaadayey dacwad dhul ku saabsaneyd oo u dhexeysay ninka la dilay iyo askariga taas oo cadaalad daro iyo dulmi lagu qaadayay,iyo waxyaabo ka hor imaanaya diinta islaamka.
Magaalaada Kismaayo ayaa soo martay sanooyin nabad iyo cadaalad ku dhisan Diinta Islaamka ay ka jirtay laakin hada waxay gacan ugu jirtaa Kenyan xoog ku haysta iyo Maleeshiyo Beeleed iyaga dabadhilif u ah,kuwaas oo waligoodba laga hortaagnaa inay Diinta,dadka iyo dalkaba fidneeyaan.
“LOOMA OOYAAN IYO LOOMA ARAAN ILAAH AYAA U MAQAN”