SAWIRO IYO SAINT VALENTINE:-Bandhig Faneed lagu soo beegay maalinta Jaceylka “SAINT VALENTINE”14-ka Febraayo oo Lafoole ku qabtay Moqdisho.

24500823 (1)24500830Waxaan loogu yeeray Bandhig faneedkan oo lagu qabtay Hotelka City Plaza,waxaana Hoteelkan iska leh Qurbojoog,walow dadka qaar sheegan inay leeyihiin  dad cadaan ah  oo la leeyay daaha gadiisha ayay ka  maamulaan  howshan Xamar ka socota oo ah howl dadka Moqdisho looga fidnaynayo Diintooda iyo Dadnimada ay leeyihiin, lana rabo in la dulaysto.

24504520

Dadka Moqdisho ku nool ayaa la yaabay dhaqan xumida kuwii qurbajha ka soo noqday iyo sida ay u dhaqan xun yihiin walow hada looga yaqaan “DANYUUSBARO” oo ah kalmad aan u xun,taaso la yiri waa mudan yihiin in loogu yeero,”Waa dad duli ka ah Diinta iyo dadnimada Somliyeed oo fiicaan” Waxaa yiri oday  Moqdisho ka ah Trafiko.

Bandhig faneedkaan oo lagu soo beegay 14-ka Febraayo oo caalamka meelo ka mid ah looga yaqaano maalinta jaceylka waxaana soo abaabuulay Cabdifataax Ibraahim Shaawey oo qurbaha<Ingiriiska ka soo noqday ka dib marki oo ka soo waayay inow sharci ka ehlo Ingiriiska,kuna soo noqdau Tahriib,wxuuna hada u soo jeestay inow fidneeyo dhalinyarada Moqdisho ku nool,waxaana arinkaas la yaabay  dad ay qaraabo yihiin Ina Shaaway oo Moqdisho ku nool.

Waxaa  bixiya qarashaadka ugu badan hay’ada aadka looga yaqaan Somalia ama Moqdisho waa CRD oo shaqaale ka ahaan jiray  Xasan Garguurte, taaso la sheegay inay kursiga saartay  ninka maanta sheegta inow yahay Madaxweyne Somaaliyeed.

CRD ayaa maanta waxay Moqdisho ka qabataa shaqooyin badan oo intooda badan qarsoon laakinw axaa og ama la socda dadka wax og oo Somalia ama Moqdisho lu nool.

Waxay hore u dhistay Tiyaatarka,intii aan qaraxo ka dhicin ka hor,waxay kale oo hada qabataa inay sameyso barnaamij heeso iyo qoobka ciyaar u badan.

24500827

Daawo Sawirada Barnaamijka “Hir geli hamigaaga Faneed”“Hir geli hamigaaga Faneed” waxaa ka hadlay masuulka ugu sareyay CRD Jibriil Cabdulle oo sheegay in tartanka ay gelayaan dadka soo bandhigaya hamigooda Faneed uu ka bilaaban doono Axada nagu sooaadan isla goobta xaflada furitaanku maanta ay ka dhcady oo aheyd Istuudiya ku meelgaar ah oo uu leeyahay Tiyaatarka qaranka Soomaaliyeed, iyada oo tartankaasina shacabku ay warbaahinta kala socan doonaan.Istuudiyaha kumeel gaarka ah ayuu sheegay Jibriili n uu hanti qaran yahay oo cid waliba oo barnaamij faneed qabta waqti laga siinayo si ay ugu gudato howsha ay wadato iyada oo Istuudiyaha ay ku diyaarsanyihinn qalabkii wax lagu qaban lahaa oo dhan.