Waa caado ay leeyihiin kuwa u dabadhilfa kuwa ku soo duulay DIINTA,Dadka iyo Dalka Somaliyeed,maxaa yeelay waxa meesha lagu keenay xaqdaro iyo dabadhilifnimo.
Waxaa is haysta dhamaantood,waxaana ugu weyn khilaaf ka dhextaagan kuwa ku wada jira xayndaabka Vila Somalia oo maalmahan loo diiday in ay gudaha u galaan Maleeshiyaadka Somalida ah iyo dad ay qaraabo yihiin kuwa gudaha ku jira, qaraxii Villada ka dib.
Waxaan amarkaas bixiyay safaarada Itoobiya safiirkeeeda degan gudaha Villa Somalia Cabdicasiis Gurgure,oo ah nin ku amar taagleeya sirdoonada kuwa sareeya,waxaana arinkaas ku raacay Amisom iyo beesha gaalada guud oo gudaha ugu jira Vilada.
1-Xasan Garguurte ayaa maalmo ka hor ilmihiisa u kireeyay diyaarad qaas ah,waxaana ku baxday lacag aad u badan oo lagu qiyaasay in ka badan 30.000$ halka Jawaari oo Xabashido wacday sii raacay diyaaradaha shacabka!
2-Wasiirka Maaliyada ayaa lacag sii lunsaday intii Xasan Garguurte ku maqnaa safaro dhaadheer oo mudo maqnaa, Saacid Shirdoona ku jiray hurdo maalmeed iyo habeen soo jeed dheer,waxaana la hayaa cadeymo aan dhawaan keeni doono.
3-Ina Ciilmooge”Wasiirka Warfaafinta” ayaa iibsaday Domainkii Somalida “SO”iyada oo an la ogayn, waxaana la ogaaday markii lacagta loo shubay,waana qiyaanadii labaad oo Ina Ciilmooge kula kaco kuwa lagu ilaalsho Kaaraha Amisom,waxaana ka sii horeeyay ka dib markii Radio FM ah oo horey loo siiyay wasaarada warfaafinta oo siiyay beeshiisa ama Raaaskabooniyiinta Kismaayo lagu keenay Kaaraha Kenya,una sii dhiibay ina adeerkiis oo qurbaha ka yimid”DANYUUSBARO”,ilaa iyo hadana la isku haysto!
4-Waxaa kale oo la isku haystaa QANDARAASYO la siiyay dad ay qaraabo yihiin wasiirka ariamaha gudaha iyo Xasan garguurte oo ay hore u wada shaqeyn jireen,kuwaas oo khilaaf adag keenay.
Isku soo wada duub khilaafkoodu wuxuu salka ku hayaa arimo dhaqaale,maxaa yeelay kuwa waa Qandaraasleey”NGO” qofna uma naxaan.
La soco qeybta danbe.
Banaadir Post Editor.
Majaango.