MOQDISHO:-Saraakiisha Midowga Yurub ee tababaraysa ciidamada dowladda oo sheegay inaan la isku halayn karin amaanka Muqdisho.

24482990Madaxa ugu sareeya saraakiisha shisheeye ee tababarysa ciidamada Soomaalid ah ee dowladda ayaa si aad ah uga dayriyay amaanka magaalada Muqdisho isagoo sheegay in aan la isku halayn Karin.

General Gerald oo ah ninka midowga Yurub ay u soo xilsaareen qorshaha tababarka ciidamada dowladda Federaalka ayaa kulan ay yeesheen wasiirrada gaashaandhigga midowga Yurub waxaa uu ku sheegay in magaalada Muqdisho aanuu ka jirin wax amaan lagu tilmaami karo isagoona meesha ka saaray in howlgalka ay ciidamada ku tababarayaan loo wareejiyo gudaha Soomaaliya.

“Muqdisho waa meel halis ah xilliganna nooma saamaxayso inaan howsheenna u wareejinno” ayuu yiri General Gerald oo u dhashay wadanka Ireland isagoo intaasi raaciyay in arinkaasi uu yahay mid qar iska xoornimo ah oo aan haboonayn xilligan.

Gerald waxaa uu si cad u sheegay inaanay qorshaha ugu jirin inay ka guuraan xerada Bihanga ee gudaha Uganda oo ah goobta rasmiga ah ee ay ciidamada dowladda ku tababaraan isagoo sheegay in arinkaasi uu yahay go`aan rasmi ah oo uu gaaray sababo amaanka la xiriira.

“Masuuliyadda koowaad ee I saaran waa inaan ilaaliyo amaanka xubnaha aan masuulka u ahay e tababarayaasha ka socda midowga Yurub taasina waa mid loo baahanyahay in la tixgeliyo” ayuu yiri Gerald.

Sidoo kale saraakiil sar sare oo ka tirsan kooxaha tabarayaasha ah ee ka socda dalalka midowga Yurub ayaa dhankooda sheegay inaanay naftooda ku biimayn doonin Soomaaliya iyagoo meesha ka saaray jiritaanka warar sheegaya inay howshooda u wareejinayaan Soomaaliya.

Hadalka ka soo baxay hogaanka tababarrada ciidanka dowladda ee Midowga Yurub General Gerald ayaa wejigabax ku ah hadallo in mudo ah ay buun buuninayeen Dowladda Federaalka iyo ciidamada shisheeye kuwaasi oo ay ku sheegayeen in amaanka Muqdisho yahay mid la isku halayn karo.

Isku soo wada duube magaalada Muqdisho ayaa hadda waxaa ka jira qaraxyo, dilal qorsheysan iyo weerarro fool ka fool ah oo lagu qaadayo xubnaha dowladda iyo ciidamada shisheeye, waxaana saraakiishan reer galbeedka ah ay waxba kama jiraan ku tilmaameen nabadda afka uun ku siman ee Muqdisho laga sheegay.

 XIGASHO RADIO ALFURQAAN

24310655