Maleeshiyaadka Axmed Madoobe ee qeybta ka ah duulaanka ay cadawga Kenya ku qaadeen wilaayada Jubbooyinka ayaa ugaarsi ku haya ganacsatada magaalada Kismaayo.
Wararka ka imaanaya Kismaayo ayaa sheegay in maleeshiyaad hubeysan ay xalay fiidkii xaafadda Farjanno ku toogteen nin gacsade ah oo lagu magacaabi jiray Adan Sandheere.
Maleeshiyaadka Axmed Madoobe ayaa ugaarsi ku haya dadka ay ogyihiin inay diidi karaan maamul beenaadka Kismaayo ay ka rabto Kenya iyo kuwa loogu yeero beesha gaalada oo ah cadowga Somaliyeed.
Waxaa maalmahan kacsan Kismaayo,waxaana laga cabsi qabaa inay is fara saaraan maleeshiyaadka kala beelaha ah oo Kenya ku keentay Kaaraha ay wadato.
Kismaayo ayaa mudo dheer nabad ahayd waxaana ka jiri jirey amni la isku halayn karo,waxaana ka jiray ganacsi xoog leh waxaana Dekada gacanta ku hayay Somali ganacsato ah, meesha ay hada gacanta ku haya Kenyaanka soo duulay , jeebkana ku shubtaan dhaqaaalaha ka soo baxa Kismaayo oo dhan.
Banaadir Post.