Waxaa maanta magaalada Muqdisho ku dhintay Xeefow oo kamid ahaa saraakiisha kooxaha Suufiyada ee ciidanka Xabashida Itoobiya ku soo hoggaamiyay degmooyin Galguduud katirsan,sida ceelbuur Ceelgaras iyo Wabxo. Xeefow ayaa ciil u dhintay oo dhiigo iyo sonkotuba ku kareen sidii Maxamed Dheere iyo rag kale oo badan oo halkan lagu soo koobi karin,waxayna ku dhinteen isku sariir,taaso taala Xarunta Xalane ay ku leeyihiin ciidanka xooga ku jooga gayiga Somaliyeed. Maxamuud Yuusuf Xeefow oo Taariikh Madoow ku lahaa Gobolada dhexe ee Soomaaliya gaar ahaan Galguduud ayaa ahaa Ninkii ciidanka Xabashida Itoobiya ku wehliyay duulaankii ay Itoobiyaanku ku qaadeen Ceelbuur taariikhdu markii ay ku beegneed 26-3-2012-ka.
Jabkii Amxaarada ee Ceelbuur iyo Wabxo kadib ayay kooxaha Suufiyada ay bilaabeen in ay kala furfurmaan iyagoona kala degay Dhuusamareeb,Guriceel,Xeraale iyo Caabdu Waaq.
Waxaa maanta farxad laga dareemay dhamaan Galgaduud gaar ahaan Galgaduud bari oo aad looga necbaa ninkaas Xabashida Miinobaarka u ahaa. Waxaa isaga ka hor dhintay Cumar Maxamed Faarax oo ahaa gacan yarahiisa Ceelbuur,kaaso si lama filaan shil gaari ku dhintay meel Gaalkacyo ku dhaw,inkaar ay inkaareen dadka ku nool Galgaduud. Waxa kale oo ay hore u waayeen aabahood Males”Fircoonkii Geeska Afrika” oo ILAAH soo qabtay,kaaso dhibaato ku hayay qowmiyada Muslimka ee ku nool Geeska Afrika.