Aqoonyahan Saciid Islaam oo dagan Wadanka Talyaaniga ayaa ka jawaabay hadal kasoo yeeray Shalay, Ninka sheegta Guddoomiyaha Gobalka Shabeelada Hoose C/qaadir Maxamed Nuur oo yiri. “Talyaanigu waa Waaridkeen. Magaalada Roma iyo Magaalooyin kale ayey iga soo wacaan, waxay qaadan karaan daganaasha Soomaaliya oo xattaa Guddoomiyaha Gobalka Shabeelada Hoose ayey noqon karaan”.
Aqoonyahan Saciid Islaam oo ka jawaabay hadalkaas ayaa ku tilmaamay mid Axmaqnimo ah, wuxuuna sheegay Talyaanigu xattaa in aysan Dadka Madow ee Kiristaankaa aysan jacayl u haynin in ay gumaystaan mooyaane, wuxuuna tilmaamay in Dowladda Talyaaniga ay kamid tahay Dowladaha ugu horeeya kuwa neceb Diinta Islaamka iyo Muslimiinta.
Dhagayso Waraysiga Qiimaha Badan MP3 Halkaan Riix Ama Guji
Isha Waraysiga Alfurqaan