Ninkii sheegan jiray in uu Mushrikiinta Itoobiya Galgaduud kusoo hogaamiyey uu Guddoomiye u yahay, Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa ku geeriyooday Cisbitaalka Ciidamada Shisheeye ee loo yaqaano Amisom, Qaraabada Xeefow oo aan xiriir la samaynay ayaa noo xaqiijiyey in ay aad oga shakisan yihiin in Xeefow in la sumeeyey, waxaa la sheegay Walxo sida Caanaha oo kalaa in Cabitaan ahaan loo siiyey.
Dad goobjoogayaal ah ayaa xaqiijiyey in Cisbitaalka Ciidamada shisheeye Maalintii ugu yaraan 3 Qof oo Soomaaliya ay kudhintaan, Cisbitaalkan ma’ahan mid loogu talagalay Dadka shacabka ah, waxaase Afka iskaga shuba oo aada Soomaalida u qaba Amisom in aysan cadowgeeda ahayn. Howlaha ka socda Cisbitaalkaan ma jiraan cid kormeer ku samaysa maadaama uu yahay Cisbitaal Ciidan.
Xeefow waa kaas Calanka Amisom hoos fadhiya Asaga iyo Sharif Sakiin, marka Wadaaddo Soomaaliya oo Salafiyiin sheegan jiray ayaa Geeridu u timid ayaga oo gaalo iskadaaye Shaydaan waa la kaalmaysan karaa leh, hadda kuwaa Jigjigo kusugan, kuwana Xisbiyo Dimuquraadiyadeed ayey furteen, kuwaa gaaladii Ammaanay oo yiri taladeena xaq bay u leeyihiin in ay wax ku yeeshaan! Ilaahay ayaan weydiisanaynaa Khaatumo wanaagsan, Aamiin.
Maxamed Xaamud
Somalimidbnimo.com
XIGASHO SOMALIMIDNIMO.