Fartuun Birimo Maxamed Xasan Lafoole ayaa sheegay in ay Hoteelada Muqdisho ku qaban doonaan wax ay ugu yeereen Xuska Maalinta Jaceylka addunka “14-Febaraayo”,waa dhaqan ugub ku ah reer Muqdisho.
Qaar kamid ah idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa iyana bilaabay in ay xayaysiismo u sameeyaan fuxshiga ay wadaan Fartuun Birimo iyo Maxamed Xasan Lafoole.
“Maalmahan Magaalada waxaa kajira dhaqan xumo dhibkeeda leh,fanaaniinta Qurbaha kusoo Caajisay ayaa bilaabay in ay dhaqan xumo ku faafiyaan bulshada dhaxdeeda waxaa tusaale u ah Fartuun Birimo iyo Lafoole oo Hoteelada City Plasa iyo Saxafi ka qaban qaabinaya Xaflad loogu dabaal degayo waxa loogu yeero maalinta Jaceylka adduunka”ayuu yiri Saxafi Muqdisho ku sugan.