Maleeshiyaad taabacsan Dowlada Federaalka ayaa isbaarooyin soo dhigtay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye iyo amnigii yaraa oo meesha ka sii baxaya!

24445723Waa caadi in maleeshiyo beeleedku markasta dadka dhacaan waana dhibaatada haysata maamul kasta oo loo sameeyo magaalada Moqdisho,maxaa yeelay tuug ayay talo saarteen,ninkii la xiri lahaa ama la dili lahaa ayaa la yiri dadka wax u qabo!

Magaalada Moqdisho iyo magaalooyinka ku wareegsan ayaa waxaa ka jira dhibaatooyin aan qoraal lagu soo koobi karin,waxaana dadka lagu haya wax ksta oo xun oo qof nool lagula kaco,waxaana taas mas’uul ka ah kuwa Kaaraha saaran oo fadhigoodo yahay Villa Somalia iyo ciidanka duulaanka ku jooga dalka Somaliyeed.

In kabadan 8 isbaaro oo gaadiidka lacago baad ah looga qaado ayaa lasoo dhigay wadada isku xirta Ceelasha Biyaha iyo degmada Afgooye sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Cabdullaahi Axmed Iidow oo DF-ka ugu magacaaban guddoomiyaha degmada Afgooye.

Waxaa joogta ah Maleeshiyaadka  kufsanaya dumarka  dhiban oo dhulkooda duulaanka lagu soo qaaday.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Col.Dhegabadan ayaa horay u sheegay in isbaarooyinkii laga qaaday Muqdisho iyo duleedkeeda Askarigii lagu arkana talaab laga qaadi doono balse warkaasi ayaa ahaa mid afka uun laga yiri oo aan saaxada aalin.

24264555

Halkan ka dhagayso Cabdi Axmed Iidow Oo Qiraya Isbaarooyinka yaal duleedka Muqdisho MP3

23883299238486412345428422700117

Banaadir Post.