Waxaa Barnaamij Taariikhi ah ka diyaariyey Xasuuqii Wagala Gabar Soomaaliyeed oo kamida Beesha Dagoodi, kana shaqayn jirtay TV’ga CitizenTV iyo Wiilal Beesha Dagoodi kamid ah oo Xildhibaanno ka ah Baarlammaanka Kenya, Waxa Barnaamisku uu wax ka ifinayaa Xasuuqii loo gaystay Aabbayaashood Iyo Shacabkii Soomaaliyeed ee ku noolaa NFD, Barnaamijkaas markii laga sii daayey TVga dhowr Qeyb ayaa Gabadhii Barnaamijka wadday xabsiga ladhigay, kadibna waxaa la gaarsiiyey Hanjabaadyo badan oo ka imaanayey Saraakiil iyo Siyaasiyiin Kenyan ah.
Ugu dambayntii waxaa la joojiyey Barnaamijkii ka sheekaynayey sida looxasuuqay Shacabka Soomaaliyeed, Ragga Barnaamijkaas joojintiisa ka qayb qaatayna waxa la sheegaa in ay kamid ahaayeen, Rag Soomaaliyeed oo haatan Baarlammaaka Kenya ku jira, Islamarkaana Saraakiil ka ah Ciidanka Kenya, Jagooyina ka haya Dowladda Waddankaas ka talisa, iyagoo markaa u danaynayey Xisbigooda Talada Waddanka haya.
Isla Siyaasiyiintii Soomaalida ahaa oo xilligaa ka qeyb qaatay in Barnaamijkaas la joojiyo, Ayaa Maanta oo Sanadku yahay 2012 ku qeylinaya in Dadkooda ay Ciidamada Kenya ku xasuuqeen Magaalada Gaarisa.
HOOS KA DAAWO XASUUQII WAGALA.