Magaalada Muqdisho ayaa Maanta la’isladhexmarayaa Warar laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Villa Soomaaliya wararkaas oo qeexaya in Xassan Sheekh uu qorsheynayo in isbeddello uu ku sameeyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo weliba Taliyayaasha Ciidamada Dowladda Soomaaliya, sida Milateriga, Booliska, iyo Nabadsugidda.
Lama oga waxa ka soo bixi doona hadii dadka qaar kursiga laga rido maxaa yeelay qaarkood ayaa ah kuwa ku awood badan Moqdisho sida Tarsan iyo Shariif Sheekhuna oo hada Moqdisho looga yaqaan New Warlord oo Qurbajoog ah.
Waxaa maalmo ka hor wareegto kuriga looga qaaday gudoomiyihii Gobolka Bay iyo Bakool Cabdifitaax Geeseey ninkii Xabashida u soo horkacay Baydhabo,waxaana ilaa hada ka taagan xaalad amaan daro taaso ku lug yeelatay joogitaanka Xabashida ay joogto gobolka Bay iyo Bakool.
Waxaa Moqdisho soo buuxshay Qurbajoog”DANYUUSBARO” kuwaas oo xilal doon ah hadana aan xirfad u lahayn xilka ay rabaan inay qabtaan.
Banaadir Post.