Nabadoon Ismaaciil Haaruun oo kamida Waxgaradka kasoo jeeda Beelaha Jubbooyinka ayaa ka hadlay, Guddiga gaaray Magaalada Kismaayo ee Nairobi laga soo diray, wuxuu Nabadoonku sheegay in ay Xabbad iskala daaleen oo hishiis ay gaari waayeen, Nabadoon Ismaaciil Haaruun ayaa sheegay in Dadkii qabyaalada isku raacay ay Maantay wax qaybsigii ay ku heshiin waayeen!
Nabadoonka ayaa Afaray Gabay ah u tiriyey, dhinaca kale waxaa Dad ku sugan gudaha Magaalada Kismaayo ay xaqiijiyeen in Rasaas xoogan oo aanan la garanaynin ay kadhacayso gudaha Magaalada, waxaa kale oo Kismaayo kadhacay Qaraxyo. Kenya iyo Maleeshiyo beeleedka la socda ayaa xoog ku haysta Magaalada Kismaayo ayaa qaarkood waxay soo jeediyeen in Ammaanka Magaalada la sugo inta Ergooyinka shir lagu wado in uu Kismaayo ka furmo aysan soo gaarin Magaalada Kismaayo.
Dhagayso Waraysiga Nabadoon Ismaaciil Haaruun MP3 Halkaan Riix Ama Guji
Isha Waraysiga Idaacadda Islaamigaa ee Alfurqaan