KISMAAYO:-Maleeshiyaadka Axmed Madoobe “Raaskabooni” oo kacsan Mushaar la’aan awgeed iyo Ganacsiga Kismaayo oo xiran.

24397747Ma ahan wax lala yaabo in maleeshiyo beeleedku ku kacaan dhaqano xun oo  lala yaabo, maxaa yeelay waa  wax ay caado u leeyihiin,dadka  Kismaayo ku nool ayaa   ah dad ay  dhib ku hayaan maleeshiyaadkan lagu keenay Kaaraha Kenya,waana dhaqan ay  caan ku yihiin.

Xaalad kacsanaan ah ayaa maanta ka jirta magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose, goob joogayaal ayaa sheegay in maleeshiyaadka Axmed Madoobe ay rasaas ku furayaan waddooyinka magaalada.

Qeybo katirsan magaalada Kismaayo waxaa xiran goobaha ganacsiga maleeshiyaadka rasaasta furaya ayaa u muuqda kuwa gadood ah kadib markii saraakiishooda ay uga baxeen balan qaad lacageed oo ay horay ugu sameeyeen.

Kismaayo oo gacanta cadawga ku jirta waxaa ka jira falal ammaan darro maleeshiyaadka dabadhilifyada Soomaalida ayaa qaab beeleed ugu loolamaya isbaarooyinka ay gaadiidka BL-ka lacagaha badda uga qaadaan.

24397943

Banaadir Post.