Suldaan Maxamed Garyare oo kamid ah qorayaasha Soomaaliyeed oo waxbadan ka yaqaan aas aaska Ururkaasi ayaa sharaxaad dheer ka bixiyay wuxuuna sheegay in wadamada reer galbeedka ay Ururkan aas aaseen sanaddii 1969-kii si ay ukala qoqobaan bulshada Muslimiinta.
Ururka Islaamka waxaa lagu aas aasay magaalada Rabaad ee Wadanka Marooko waxaan dhismaha Ururkan gacan weyn ka geystay Q.Midoobe iyo wadamo reer galbeed ah oo mar walba goob joog ka ah shirarka Ururkan.
Kuwa labaxay Ururka Islaamka weligood ma baajin duulaan gaaleed lagu qaaday wadan Islaam ah waxayna taageereen duulaanadii ay Mareykanku ku qaadeen Ciraaq,Afghanistan,Yemen,Somaaliya iyo meelo kale.
Halkan ka dhagayso Wareysiga Suldan Garyare uga hadlayo Ururka Islaamka MP3