MAQAAL:-Maxamed Ibraahim Shakuul IYO Yaasiin Garaad. Aan garteena kala goosanee gogol inoo xaar! Qeybtii 3aad.

24381882DOOD:-  Wax badan kama dhahayno, Qormooyinka Maxamed Ibraahim Shakuul iyo Yaasiin Abdi Jaamac (Yaasiin Garaad), horta Shakuul God ayuu ku jiraa Asaga iyo Wadaaddadii Saaxiibadiis ahaa, Ma islahayd Wadaaddo gaalo raacay ayaa wali Shacabka Soomaaliyeed weydiinaya Alwalaa Walbaraa?, Qormada ka Akhri Jawaabta Yaasiin Garaad siiyey Shakuul, wuxuu yiri Yaasiin Garaad “Shakuulow aad i weydiiso Alwalaa Walbaraa ee Adigu Walahaagii ma Itoobiya iyo Kenya ayaad siisay?”.

Shakuul Shareecada Islaamka been ayuu ka sheegay, goormay Erayadaan iskumid noqdeen, haddii Shareecada Islaamka iyo Luuqadda Carabiga laga hadlayo, gaar ahaan Shareecada Islaamka?,

1- Xagjir,

2- Quluwi,

3- Khawaariij,

4- Takfiir. 

Insha Allah, waan ka hadli doonaa Erayadaas, Maadaama Qoraagu uusan ka hadlin, lagana yaabo in ay ka hoos baxday ama uusan Muhiimad gooniya uusan siinin, balse sida Shakuul qiray, waa Nin Shareecada Islaamka been u Xanbaarinaya halka uu Bush uu ka difaacayo sida uu sheegay oo uu yiri, “Bush ma keenin Erayadaan”.

FG: Jawaabta Maxamed Ibraahim Shakuul hoos ka Akhri, kadibna Hoos Ka Sii Akhri Jawaabta Yaasiin Garaad Ka Bixiyey.

Hordhac iyo Araar. (Qaybtii 2aad)

Mahad Alle ka dib, Waxaan u mahadcelinyaa akhuunaa Yaasiin Garaad, qoraalkiisa 2aad. Inkastoo aanan walaalkay anigu si rasmi ah uga dalban ama ku kallifin inuu is cadeeyo, oo aan tilmaamay inay fiicnaan lahayd oo kaliya in uu waxyaabaha qaarkood cadeeyo, hadana waxaan si gaar ah uga mahad celinayaa is xilqaankiisa sida uu caddeeyey arrimaha qaarkood. Waxaase xusid in arrimaha qaarkood aan sidaas lagaga gudbi Karin loona baahan yahay in la saxo. Qodobada aan is leeyahay qabasho “Mu’aakhadaat” ayey mudan yihiin waxaa ka mid ah:

  1. Yuu u hadlaa ama matalaa Qoraagu?

Hadalada yaabka leh aadna uga fog xaqiiqda ee uu walaalkey tilmaamay waxaa ka mid ah inuu sheegtay inuu matalo dad gaar ah waxaa ka mid ahaa erayadiisa “Waxaa jirta cid aan matalo oo af-keeda ku hadlo”. Ka dibna wuxuu xusay afraad iyo kooxo kala duwan oo u sheegtay inuu matalo. Sheegashadaasi ma aha mid sax ah mana matalo kooxahaas iyo afraadaas taariikhda leh toona, mana jirto meel lagu doortay ama loogu idmaday inuu afkooda ku hadlo, bal waxaa dhici karta inay dadkaas uu tilmaamay qaarkood u arkaan nin iyaga cadow ah iyaga kana bari noqon lahaayeen.

Waxaan dhab ah in waxa kaliya ee uu qoraagu oo turjumi karaa ay tahay aragtidiisa shakhsiga ah ee ku wajahan waaqicaas, sida qof kasta oo muwaadin ah uga hadli  karo aragtidiisa ama taageradiisa ku wajahan masiirka ummada, sidaas awgeed waa sheegasho aan waxba ka jirin. Qofkuna inuu shaati aad uga wayn xirto ma habboona.

Akhristow Sheegashada noocan oo kale ah ee qofku sheegto wax uusan lahayn sida inuu sheegto mansab, tamthiil (matalid), dhul, dhaqaale iwm waxay ka mid tahay waxyaabaha keenay burburka iyo khilaafka ummada Soomaaliyeed illaa maanta haysta, waxaynu marwalba aragnaa rag sheeganaya inay matalaan beel ama afhayeen u yahay koox taasoo aanay waxba ka jirin sidaa awgeed waxaa fiican inuu walaalkay ka waantoobi arrinkaas.

Anigu shakhsi ahaan kuma hadlayo afka culimda, kan ganacsatada, kan aqoonyahanada, kan qabiilka iyo mid xarako toona, majirto cid aan matalayo oo aan ka ahayn aragtidayda shakhsiga ah, taas micnaheeda ma aha inaysan jirin cid aan taageersanahay ama aan ka tirsanahay ama la dhacsanahay fakarkooda.

  • 2.       Yaasiin Diinta Ma wadanka ayaa uga muhiimsan?

Waxaa ka mid ah erayada uu qoraagu ku nuuxnuuxsaday: “Waxaan matalaa cid kasta oo Soomaaliya oo neceb kana soo horjeeda Ethiopia iyo Kenya!” Hadalkan yaabka leh wuxuu muujinayaa in Yaasiin uu walahiisa  (al-walaa wal-baraa) siiyey cid kasta oo Soomaali ah oo neceb kana soo horjeeda Ethiopia iyo Kenya. Waxaa ka muuqato hadalkiisa inuusan dan ka lahayn haddii ciddaas ay xattaa gaalnimo ku cadahay, waxa uu danaynayo ay tahay oo kaliya inuu qofku dalalkaas neceb yahay! Sideedaba qofka Muslimka ah waxaa la rabaa inuu ogaado in neceybkiisa iyo jeceylkiisu uu ku xidhan yahay halka uu qofkaas ka jooga diinta Allaah, mana ah inuu walahaasi ku xidhnaado wax kale sida qabiilka, wadanka iwm. Nabiguna SAW wuxuu yiri “Walahayga waxaa iska leh Ilaahay iyo Mu’miniinta saalixiinta ah”

Hadaba Waxaa nasiib darro in uu qoraagu walahiisa siiyey dad ay cadahay inay gaalnimo cad ku dhaceen iyo kuwa la taagan inay wadaniyad u dagaalamayaan, Wuxuuna sheegtay inuu safkooda ku jiro, taasina waxay daaha ka fayday  in qoraaga wadaniyadu uga wayn tahay diinta.

  • 3. Aragtidi qoraaga ee ku wajahan Xarakaadka.

Waxaa uu walaalkey sheegay inuu khalad iyo ceeb u arko jiritaanka xarakaadka wuxuuna yiri; “anigu waxaan u aqaan ceeb iyo cunsuriyad iyo waliba dib u socodnimo lagula dhex meeraysto dadka Muslimiintaa dhexdooda. Xarako waxay kobcisaa oo xoojisaa nacayb la nebcaado qof Muslim ah ayada oo aysan jirin sabab aan ka ahayn xarakadayda maahan iyo in dadka laga dhaadhiciyo xarakayda kaliya ayaa xaq ah oo Janada Illaahay galeysa” aragtidaas waa gef aad u wayn oo u geystay dhamaan xarakaadka Islaamiga ah oo dhan, mana aha sidaas aragtida shareecadu ka qabto  xarakaadka. Waxaynu ognahay in xarakaadka islaamiga qaar badan oo ka mid ah ay u taagan yihiin kor u qaadida kalmada Ilaahay oo ay u khidmeeyaan dacwada iyo diinta, in hadaba uu la isku wada qabto waa cadaalad daro iyo xadgudub. Waxa shareecdau diiday waa tacasubka indho la’aanta ah oo ah  xaqa oo laga hormariyo xarakada. Waxay Xarakaadka islaamka qaarkood qayb wayn kaqaateen faafinta dacwada, difaaca dalka, diinta iyo dadka.

  • 4. Iska hor imaad (tanaaqud) yaab leh.

Waxaa iyana ah iska hor imaad yaab leh noqday in Yaasiin marna uu sheegto in kooxaha qaarkood uu matalo, marna uu ceeb u dib u socodnimo u arko jiritaankoodaba. Sow hadaba caddaalad darro ma aha in marna lagu faano juhuudda & makaasibta xarakaadka iyo kooxaha kala duwana soo hooyeen, hadana lagu tilmaamo “ceeb cunsiriyad, dib u socodnimo dadka lagula dhex meereysto” waa sida uu hadalka u dhigay, sow hadaba arrinku noqon maayo “kuwa jecel in looga mahad noqo waxaysan samayn” mise “Kuwa hadduu xaqu dhinacoodu soo maro u hogaansama” haddii kalese ka bari noqda.?

  • 5.       Xag jirnimda waa maxay?

Kalmada Xagjirnimo ama Quluwi, khawaarij iyo Takfiir iwm waa kalamado muujinya xadgudub dheeraad oo lagu sameynayo diinta, waxayna waafaqsan tahay alfaada ama kalmadaha shareecada tilmaantay, mana ah wax Bush iwm ay keeneen, loogana leexan maayo dhihidda kalmadahaas shareecadu ogalaatay gaal sheegay dartiis.

Sida la ogyahay shareecadu waa reebtay oo ceebaysay xigjirnimada, waxaanan rumaysanahay inay ka mid tahay jirrooyinka ugu waaweyn ee ay la silcayaan Muslimiinta caalamka meel walba oo ay joogaan, ummada soomaaliyeedna saamigeeda way ka heshay jiradaas, sidaas awgeed In laga hadlo dadkana looga digo Xagjirnimada waxaan u arkaa inay  waajib tahay waana wax Allaah loogu dhawaado. Hadaba xagjir nimadu ma aha wax lagu faano ee wax Ilaahay laga magan galo. Diinteena ma aha mid dhinacna jirta ama u badan ee waa diin toosan oo dhexdhexaad  “Wasad” ah.

6. Arrimo aan u arko marin habaabin:

  • Waxaa qoraagu tilmaamay in aan iri dadka iga soo horjeeda waa Sufaha ama jaahil, warkaas ma aha run, waxaan anigu maangaab, sufaha, jaahil u aqaanaa ama aan ku tilmaamay dadka banaystay cirdiga, maalka iyo dhiiga muslimiinta ah ee ka soo horjeeda iyag, ee ma aha qofkii aniga aragtidayda khilaafa. Arrinkaas waa marin habaabin, waxaana daliil kuugu filan inaan qoraalkayga ku cadeeyey in adiga oo iga soo horjeeda aanan hadana rumaysnayn inaad kuwaas ka mid tahay.
  • Waxaa xusid mudan inaan rumaysnahay inay wali ii muuqata in DHICI KARTO in marka la fiiriyo siyaaqa hadalka qoraaga u socdo,  laga dareemayo  in qoraagu ka mid yahay dadka u olooleeya fikirka xag jirka ee ay qaabaan kooxaha qaarkood, arrinkaasna wali kama qancin, waxaanan ururinyaa xaqaa’iq arrintaas ku saabsan oo aan hordhaceedii helay.
  • Waxaa uu qoraagu yiri: Maxaa adiga kaa dhigay lama canaantaan? Anigu runtii ma ahi lama canaantaan, horeyna waan u tilmaayay inaan khaldami karo, naseexadana waan oggolahay, dariiqeedana waan aqaanaa, laakiin inaan khaldanahy sow inaan garwaaqsado ama la igu cadeeyo ma aha? Mise xukunkiiba waad ridday saaxiib?. Sow madhici karto in adiga uu fahamku kugu qalloocday oo aad khaldantahay? Yaase mudan oo xaq u leh inuu dadka saxo? Waxaa kale oon aad ula yaabanahay waxa qoraaga “Yaasiin Garaad”  shakhsi ahaan uu isugu qanciyey inuu isagu yahay midka mudan inuu dadka canaanato oo uu saxo, muxuuse ku mutay martabadaas isla markaana uu noqday midka isaga xaqa ku taagan ee dadka saxa oo kala hora sidii xoolihii?  Arrinkaasi sow isku kadsoomi ama quruur noqon maayo?.
  • Midda ku saabsan hebel baa Ethiopia ammaanay oo sidaas baa ku dhacday hadalkii dheeraa, waa hadal aan sax ahayn, runtii ma aha sawirkaas mid sax ah, waxaanan rumaysan inaan qoraaga uga xog ogaalsanahay waaqica geeska Afrika ka jira maanta.

Anigu waxay ila tahay in uu farqi wayn u dhexeeyo dagaaladii hore iyo waxa maanta dhacaya. Si kastaba ha ahaatee waxaan jeclahay in aan arrimaha la xiriira Ethiopia, Kenya, Somalia iyo waxa hada dhacaya waxaan ka qabo kaga hadlo  qoraaladayda dambe insha Allaah.

Ugu dambeystii, walaal si aan doodda u gudo galno waxaa ila quman in aan isla qaadano 3 qodob:

  1. In uusan midkeena matalaynin cid gooni ah kuna hadlaynin afka urur ama koox gaar ah.
  2. In masiirka ummada ka hadalkeeda loo simanahay.
  3. In waxa aan cabirayno ay tahay aragtideena shakhsiga ah oo kaliya.

Intaas hadaan isla qaadano waxaan rumaysnahay in aynu is fahmi karno, dood wanaag caafimaad qabtana aynu sii wadan karno insha Allaah.

Sh. Maxamed Ibraahim Shakuul:

Jawaabta Yaasiin Hoos Ka Akhri|

Shiikh Shakuul: Aan garteena kala goosanee gogol inoo xaar! | Q.3aad

Bismillaahi Raxmaani Raxiim

Mahad oo idil Illaahay baa iska leh nabad gelyo iyo naxariis Nebi Muxamed(SWC) korkiisa ha ahaato.

Sayid Maxamed Cabdule Xassan oo ka hadlayey qolyo asaga oo aan ka fileyn gaadey oo xoolihiisii ka dhacay ayaa wuxuu lahaa erayadan:

Caku iyo wayey hadii la is  caraadaayo, cishadii tagtaan dagaal iga calaal meene…

Ugu horayn aqristayaasha sharafta leh waxaan u cadeynayaa in aan ku faraxsanahay doodan aniga iyo Sh. Shakuul na dhextaal aana diyaar u ahay inay socoto inta salkeeda lagaarayo, waxyaabaha aan isku haysanaana kala cadaanayaan.

Si kastaba h’ahaatee walaalkey SHiikh Shakuul waxaan in badan ka codsadey inuu kasoo jawaabo waxyaabihii uu ku hadley oo dhaliyey doodan, laakiin hada waxaad moodaa in uu doodii u leexiyey erayo sax iyo luuqad daba gal. Si kastaba ha ahaatee haduu Illaahay idmo maqaalkan waxaan uga jawaabayaa dhowr arimood oo Sh. Shakuul kaga hadley qoraalkiiisa dambe ama igu eedeeyey. Intaa kadibna qoraalka waan joojin doonaa oo waxaan fursad siin doonaa Sh. Shakuul inuu ka garbaxo waxyaabihii aan isku haynay, maadaama walaalkay SH. SHakuul qoraalkiisu wali dhaafi la’yahay horudhac iyo arar.

Haduu walaalkay diido inuu ka jawaabo ama ka warwareego waxyaabihii dooda asalka u ahaa, iima muuqato xigmad iyo caqli fasaxaya in aan doodan sii wado waxaana laaban doonaa gogoshaydii iyo gartaydii aan SH. Shakuul u dhigtay.

Eeda 1 aad:

Sh. Shakuul wuxuu igu eedeeyey in aan sheegtay in aan matalo ama kamid ahay dad aana kamid ahayn ama ay dhici karto in ayaguba iga bari noqon lahaa, sidaa daraadeedna ay sheegashadeydu tahay been iyo in aan xirtay shaati iga weyn.

Jawaab: Dadka aan sheegtay in aan matalo ama af-kooda ku hadlo in ay cadaw ii arkaan iyo in ay iga bari noqon lahaayeen go’aankeeda dabcan SH. SHakuul iskamalahan ee malaha ayaga ayey ku fiicnayd in loo daayo hadii ay iga  bari noqonlahaayeen iyo hadii kale. Hadaba waxaa layaab leh in SH. Shakuul go’aamiyo in ay dadkaasu cadaw ii arki lahaayeen igana bari noqon lahaayeen.

Eeda 2 aad ee Sh. Shakuul igu eedeeyey waxay u qorantahay sidan:

Waxaa ka mid ah erayada uu qoraagu ku nuuxnuuxsaday: “Waxaan matalaa cid kasta oo Soomaaliya oo neceb kana soo horjeeda Ethiopia iyo Kenya!” Hadalkan yaabka leh wuxuu muujinayaa in Yaasiin uu walahiisa  (al-walaa wal-baraa) siiyey cid kasta oo Soomaali ah oo neceb kana soo horjeeda Ethiopia iyo Kenya. Waxaa ka muuqato hadalkiisa inuusan dan ka lahayn haddii ciddaas ay xattaa gaalnimo ku cadahay, waxa uu danaynayo ay tahay oo kaliya inuu qofku dalalkaas neceb yahay! Sideedaba qofka Muslimka ah waxaa la rabaa inuu ogaado in neceybkiisa iyo jeceylkiisu uu ku xidhan yahay halka uu qofkaas ka jooga diinta Allaah, mana ah inuu walahaasi ku xidhnaado wax kale sida qabiilka, wadanka iwm. Nabiguna SAW wuxuu yiri “Walahayga waxaa iska leh Ilaahay iyo Mu’miniinta saalixiinta ah”

Jawaab: Sh. Shakuul dadka Soomaaliyeed ee aan anigu sheegey oo iri waan jeclahay waana matalaa kuma jiro kumana ogi hal qof oo aan Muslim ahayn ama gaal ah [walaa nuzakii calalaahi axad] cidna anigu Illaahay uguma tagin laakiin aniga ogaantayda waxaan marqaati ka ahay in ahaayeen dad Muslimiin ah, laakiin adigu cida aad haysatid oo leedahay Gaalnimo ayey ku dhaceen bal noo soo sheeg  aan kaa baranee?

SH. Shakuul adigu yaad siisay walahaaga[Al-walaa-wal-baraa]

SH. Shakuul waxa doodan iyo murankan dhaliyey waxay ahaayeen hadaladii aad adigu ku hadashey oo ahaa Ethiopia iyo Kenya waa mahadsanyihiin iyo dadka ayey bad baadinayaan.Hadaba Ethiopia iyo Kenya anigu waxaan u aqaan wadamo Gaalo ah oo wadan dad Muslimiin ah leeyihiin anta ku duuley dadkiisii xasuuqay, dumarkiisii kufsadey, hantidiisiina burburiyey adiguna aad uga mahad naqdey in ay dadkii Muslimiinta ahaa sidaas u galeen.Marka su’aashu waxay tahay adiga mahad naqa aad Ethiopia iyo Kenya u jeedisay Al-walaa-wal-baraa masoo hoos galayo miyaa?Aniga oo dad Muslimiin ah iri waan jeclahayna Al-walaa-wal-baraageygu waa qaribanyahay miyaa?

Sh. Shakuu anigu sheikh maahi oo Diinta Islaamka Jaamacad ugama bixin laakiin jaahil kama ahi, waxaa Diinta Islaamka la igu baray in qofkii qof muslim ah oo gardaro lagu dilayo ku farxa ama u dabaal daga dilkiisa uu lamid yahay kii diley qofka oo kale. Hadaba, SH. Shakuul ma arintan ayaa been ah oo waxa nala baray ayaan waxba ka jirin? mise adigaan aqoon u lahayn?  mise sharcigan ayaad ka koraysaa oo adiga kuma qabto?  Maxaa keenay in aad gaalo dal iyo dad Muslimiin ah ku duushey oo xasuuqaysa aad u hambalyeysid aadna ku doodid walaha [AL-walaa-walbaraa] Illaahay iyo Muslimiinta kaliya ayaa iska leh? Ma dadka Jubooyin lagu laynayo ayaan Muslimiin ahayn mise kuwa laynaya ayaan gaalo ahayn? maxaa keeney  in aad u mahad celisid wadamada anta dad muslimiin ah dalkoodii ugu tagey xasuuqaya?  Bal arinta naga jaahil bixi?

Eeda 3 aad

Sh. Shakuul wuxuu igu eedeeyey in aan ku qaldanahay in aan kamid ahaansha xarakooyinka ku tilmaamo dib u socodnimo iyo cunsuriyad lagula dhex meereysto dadka Muslimiintaa hadaladiisana waxaa kamid ahaa kuwan:

Waxaynu ognahay in xarakaadka islaamiga qaar badan oo ka mid ah ay u taagan yihiin kor u qaadida kalmada Ilaahay oo ay u khidmeeyaan dacwada iyo diinta, in hadaba uu la isku wada qabto waa cadaalad daro iyo xadgudub. Waxa shareecdau diiday waa tacasubka indho la’aanta ah oo ah  xaqa oo laga hormariyo xarakada. Waxay Xarakaadka islaamka qaarkood qayb wayn kaqaateen faafinta dacwada, difaaca dalka, diinta iyo dadka.

Jawaab: SH. Shakuul waxaad kasoo qaadaa in ay jirto xaroko wada saxan oo u taagan wanaaga iyo in ay xumaanta reebto waxaana filayaa in aad aaminsantahay in xarakadaasu tahay mida adigu aad ka tirsantahay ama aad fikirdeeda taageersantahay waayo hadii aad aaminsantahay in xarako iyo koox kale ka fiicantahay midaada waad ka bixi lahayd taada oo waxaad geli lahayd mida fiican. Hadii aan hadalkaaga sidaa u qaadano oo aad aaminsantahay in  xaqa laga hormariyo xarakada maxaa  keeney in aad Muslimiin gaalo xasuuqayso u mahadnaqdid gaaladii iyo cadawgii xasuuqayey? Maxaan cunsiriyad iyo nacayb aad xarako u qabtid ahayn oo arintan kaa keeni kara? ma Ethiopia iyo Kenya ayaa kaaga sokeeya kuwa ay xasuuqayaan? bal waxaad noo sheegtaa hadii aad xaqa garab taagantahay sababta aad Ethiopia iyo Kenya ugu hambalyeynaysid in ay Soomaali laayeen oo guryahoodii burburiyeen gabdhahoodiina kufsadeen? 

SH. Shakuul adigu yaad u hadashaa ama matashaa?

SH. Shakuulwuxuu qoraalkan ku cadeeyey in aysan jirin cid uu u hadlo ama matalo markuu arintaas  ka  hadlayeyna wuxuu yiri sidan:

. Anigu shakhsi ahaan kuma hadlayo afka culimda, kan ganacsatada, kan aqoonyahanada, kan qabiilka iyo mid xarako toona, majirto cid aan matalayo oo aan ka ahayn aragtidayda shakhsiga ah, taas micnaheeda ma aha inaysan jirin cid aan taageersanahay ama aan ka tirsanahay ama la dhacsanahay fakarkooda

Su’aal? Sh. Shakuu hadii aad dib u dhageysatid waraysigaagii aad Ethiopia iyo Kenya ugu mahadnaqaysay waxaad tiri sidan:

“Anagu waxaanu leenahay way mahadsanyihiin oo dadkay badbaadinayaan”

SH. Shakuul hadaladunu waxay u hadlayaan qaab wadar ah (Jamac ah) waayo maad oran aniguwaxaan leeyahay ee waxaad leedahay anagu waxaanu leenahay?

Su’aal? SH. SHakuul waayo qoladan aad u hadleysid oo isku daraysid mar hadaad hada leedahay anigu cidna uma hadlo mana matalo. Ma inta Ethiopia iyo Kenya jecelbaa?Mise waa xarakadaada iyo koox daada?

Ethiopia mrkaan anigu wato waa xaq iyo Diin marka dadka kale wataana waa gaalnimo

Waxaa layiri hooyo Soomaaliyeed baa Ari ka dhumay markaas bay waxay ku ducaysatay [Illaahow Arigeygii xero wadaad ha iga galin] dadkii la joogey baa ku yiri Arigu cadaw badan buuleeyahay oo bahalo iyo tuugo ugu horeeyaan ee maxaad wadaad kaliya Illaahay uga magan gelisay [xirsi xirtay] hooyadii baa waxay ku jawaabtay baa layiri “wadaad arigeyga qiil uu ku banaysto iyo midi uu ku qasho midna ma waayi doono”

Sheekooyinka noocan oo kale ah waxay mar marka qoorkood sawir ka bixinayaan sida dadka ehlu diinkaa ay umada ugu cayaari karaan markay ayagu qaribmaan. Waxaan arintan uga jeedaaQoraalkaygii hore waxaan ku soo sheegey inta dad Soomaali ah oo Ethiopia soo raacay ama taageeray lagu gaaleysiiyey ama lagu takooray.SH. Shakuul ma waxaad naleedahay Ethiopia markaan anigu wato waa xaq oo lagama hadli karo marka jamhadaha iyo dagaal oogayaashu soo kaxaystaana waa gaalnimo iyo munaafaqnimo? Waxaan qoraalkaygii hore ku sheegey walaalkay Shakuul oo hortayda kayiri Muslim Muslim gaal uguma tago, maantana isla asagii ayaa anta waxaan ku hadla waliba difaacaya inuu umahad celiyo in Ethiopia iyo Kenya Soomaali qabsadaan.Tanoo kale waa meesha Soomaalidu ka tiraahdo “lajiifiyaana banana, la joojiyaana banana”

Sh. Shakuul hadii arintu tahay Ethiopia markaan anigu wato waa xaq iyo diin markii qolyaha kale wataana waa gaalnimo noo sheeg, hadii kale bal cadee oo fasir waxaad kawadid Ethiopia way mahadsantahay. Mida kale hada ka hor waxaad tiri Gaalada ciidahooda [holidays] sida Christmas iyo Thanks giving ka in laga qayb galo ama loogu tahniyadeeyo waa xaaraam. Su’aal hadii in Ciidooda loogu tahniyadeeyo xaaraamtahay in markay dalka iyo dadka Muslimkaa qabsadaan loo mahad celiyo ma xalaalbaa? Bal arintan iga jaahil bixi?

Dhaawaca iyo Dhibaatada arintanu u keeni karto Culimada

Wax badanbaa jamhado iyo dagaal oogayaal Ethiopia u mahad celiyey ama soo kaxaystay Af iyo Adin lagula diriray lana gaaleysiiyey laakiin hadii maanta Shiikh leeyahay Ethiopia iyo Kenya waa mahadsanyihiin in ay Soomaaliya qabsasadaan iyo dadka ayey bad baadinayaan, isla mar ahaantaana ay culimadii hadalkan ka aamusaan oo ilaa hada aan lahayn wadaad leh waxaanu sax maahan, waxaan hubaa in arintanu furi doonto al-baab dhib badan iyo doodo aan xal loo heli doonin.

  1. Maxaa loogu jawaabin dadkii hore loogula dagaaley ama loogu gaaleysiiyey in ay Ethiopia wateen?
  2. Sidee caamo mar dambe loogu qancin wadaad baa sax ah oo Diinta ka run sheegaya? Hadii wadaad maantay leeyahay Ethiopia tii hore maahan

Waxaan hubaa in arintanu gubi doonto kaarkii culimadii shaley lahaa Ethiopia waa cadaw Illaahay maantana leh waa Ethiopia cusub,  waayo horey waxaa loo gubay oo laga aamin baxay kaarkii Dawladnimada, kii qabiilka, iyo kii siyaasada. Tanina waxay gubi doontaa kaarkii wadaada noocaas ah? Waayo waxaa loo fasiri doonaa Ethiopia markii dadka kale uga mahad celiyaan xasuuqa shacabka Soomaaliyeed wadaadadu waa gaaleysiiyaan arinkaas  laakiin markii ayagu u mahad celiyaan waa banaantahay

Sh. Shakuul In aan Ethiopia amaanay sax mahan,Yasina anigaa uga xog ogaalsan waaqiciga Africa

Sh. Shakuul wuxuu yiri in aan Ethiopia amaanay sax ma’ahan Yaasiina anigaa uga xog ogaalsan arimaha Africa hadalkiisuna waakan:

  • Midda ku saabsan hebel baa Ethiopia ammaanay oo sidaas baa ku dhacday hadalkii dheeraa, waa hadal aan sax ahayn, runtii ma aha sawirkaas mid sax ah, waxaanan rumaysan inaan qoraaga uga xog ogaalsanahay waaqica geeska Afrika ka jira manta. Anigu waxay ila tahay in uu farqi wayn u dhexeeyo dagaaladii hore iyo waxa maanta dhacaya

Jawaab: Horta qafku wuxuu amaan u yaqaan asaga ayey ku xirantahay laakiin waxaa Illaahay mahadiis ah in hadalka SH. Shakuul ku hadley uu yahay mid duuban oo lahayo, in uu amaan yahay iyo in uusan ahayna waxay u taalaa dad weynaha dhageytay oo aan anigu ka midka ahay sidaa daraadeed eedan waxba kama oranyo.

Mida ku saabsan in aad rumaysantahay in aad iiga xog ogaalsantahay arimaha Africa waxaan kaleeyahay Sh. Shakuul waa laga yaabaa oo kuguma diidani in aad iga xog ogaalsantahay, laakiin bal aan hal ku dhaho.

Sh. Shakuul ka sokoow in aan ahay qof Soomaali ah oo canshuurtii ummadda Soomaaliyeed school lagu geeyey, ka sokoow in aan ahay qof wadanka Soomaaliya waqooyi iyo Koonfurba ku noolaaday oo kala yaqaan, ka sokoow in aan Ethiopia iyo Kenyaba arkay oo ku noolaaday.  Taqaquskayga 2aad ee Jaamacada wuxuu ahaa taariikhda Africa gaar ahaan East Africa[ancient and contemporary  history of Africa]. Waxaan aqriyey 100 laal buug oo laga qoray taariikhda Africa mid hore iyo mid dambaba.Waxaan ka sameeyey cilmi baaris igu filan ilaa xad.Waxaan aqriyey inta heshiis ee Ethiopia iyo Kenya kala saxiixdeen si ay Soomaaliya u curyaamiyaan. Waxaa ugu horeeyey kii ay 1960 kala saxiixdeen oo la oran jiray “Ethiopia and Kenya joint army against Soomaaliya” waxaad faah faahintiisa ugu noqon kartaa Buugga layiraahdo Somali’s self-destruction. Waxaan aqriyey dhamaan Khudbadihii iyo siyaasadihii madaxdii Ethiopia soo martay boqolaalkii sano ee lasoo dhaafay ay ka yiraahdeen Soomaaliya, ka soo biloow Mililic ilaayo Meleze Zanawi dhawaan dhintay.Waxaan aqriyey heshiiska ay hada 2 da maamul ee Ethiopia iyo Kenya kala saxiixdeen oo layiraahdo “Grand Stabilization’ oo ay ku cadahay waxa ay Soomaali la maaganyihiin.

Marka ma xuma oo waad iga xog ogaalsanaan kartaa ee bal ii sheeg sirta iyo khibradaha qarsoon ee aad adigu haysid ee ku saabsan taariikhda Africa iyo cadaynta cusub ee aad u haysid in Ethiopia aysan ahayn Ethiopiadii hore?  Mida kale hadalkanu soo maahan hadaladii ay dagaal oogayaashu oran jireen in Ethiopia da hada jirtaa ka duwantahay Ethiopia dii hore?  miyaan wadaadada iyo culimadu oran jirin waa beentood oo Ethiopia waa Ethiopia dii hore iyo mid ka xun? mise idinkuna maanta ayaad aqbasheen in ay tahay Ethiopia cusub? Soomaalidii hore waxay ku ducaysan jireen [Illaahow dhulka korkiisa hanagu fadeexayn, hoostiisana hanagu cadaabin]waxay kaloo oran jireen [Illaahoow maya iyo haa isku meel hanooga yeersiin]

Malaha ninkii yiri Duul culumo waashaan nahay waxbaa la tusay

Sh. Shakuul wuxuu iga codsaday 3 da arimood ee hoos ku qoran

  1. 1.     In uusan midkeena matalaynin cid gooni ah kuna hadlaynin afka urur ama koox gaar ah.
  2. 2.     In masiirka ummada ka hadalkeeda loo simanahay.
  3. 3.     In waxa aan cabirayno ay tahay aragtideena shakhsiga ah oo kaliya.

Diyaar

Sh. Shakuul si garta iyo gogoshu u fududaato waan kaa yeeley, saacadan laga bilaabo  majirto cid aan naftayda ahayn oo aan matalo ama u hadlo, dalka, dadka, iyo taladuna waa naga dhaxaysaa oo mid keena gaar uma lahan,  ee waxaan kaa codsanyaa in aad iga qancisid waxyaabaha aan kugu haysto. Muslimoow ka marqaati noqo! waxaan sugaaba waa in la iiga jawaabo su’aalaha aan SH. Shakuul weydiiyey.

Cudur daar ku socda aqristayaasha

Aqristayaasha waxaan uga cudur daaranayaa in qoraalku dheeryahay laakiin waxaan rajaynayaa in aan ka jawaabay badi waxyaabihii uu Sh. Shakuul Isu’aaley ama igu eedeeyey.Waxaan balan qaadayaa in aana qoraalada dambe gaabiyo haduu Illaahay idmo waadna mahadsantihiin.

Yasin Jama

Gara0022@gmail.com.

XIGASHO: Shabakadda SomaliTalk.com FG: Qoraalka hore ee Shakuul ka hadlaya, Golaha Baraarugga Islaamka ayaa iska leh, Shabakadda SomaliTalk shuqul kuma lahan.

23760162

VIDEO:-Fadeexadii shakuul Waxay hordhac u tahay Fashilka wadaad xumayaasha!.

“Kenya Iyo Itoobiya Xaq Ayey U Leeyihiin Jubbooyinka In Ay Ka Hadlaan Waayo, Dad Ayaa Oga Dhintay Ninkii Diidana Waa Doqon, Waana Mahadsan Yihiin Kenya Iyo Itoobiya!