Waxaa xalay Magaalada Muqdisho ka dhacday arin mucjiso ah taasoo ay si weyn ula yaabeen gebi ahaanba shacabka ku dhaqan qeybaha kala duwan ee Magaalada Muqdisho.
Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee SOS ayaa waxaa xalay ku dhashay wiil yar, oo aan laheyn af iyo san, sidoo kale wuxuu wiilka yar uu ka neefsanaayay dhagaha, iyadoo qoortiisuna ay ahayd mid aad u dheer.
Arintaan oo wax layaab badan ku noqotay Dhakhaatiirta ka hawl gasha Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee SOS, ayaa waxay sheegeen inaysan horey u arag wiil sidaan oo kale ku dhashay.
Balse Dhakhaatiirta ayaa waxay sheegeen in arintani ay tahay wax Mucjiso ah, oo uu Alle uu addoomadiisa uu ku tusinaayo, in Mucjisooyinkiisu ay aad u fara badan yihiin.
Wiilkaan yar ee Mucjisada ah ayaa wuxuu isla xalay uu ku dhintay Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee SOS, kadib markii saacado kahor uun uu ku dhashay Isbitaalka SOS.
Ehelada wiilkaan yar ayaa waxay Warbaahinta ay u sheegeen inaysan horey u arag Mucjisdaan wax lamid ah, hase ahaatee waxay uga mahad celiyeen Alle, oo isaga sidaan ku dhaliyay.
XIGASHO MARKACADEY.NET.