WARBIXIN:-Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo Dhiiri Galineysa Kufsiga Lagu Hayo Haweenka Soomaaliyeed.

24327198Ciidamada dowladda federalka ah ayaa waayadii ugu dambeeyay lasoo baxay dhaqano cusub oo aanan horey loogu aqoon sida:- kufsiga iyo af-duubka taasoo ah arin looga soo dhaadhiciyay xeryaha wadamada lagu soo carbiyay ee Gaalada.

Kufsiga ayaa waxa uu kamid noqday dhacdooyinka maalinlaha ah illaa heer ay madaxda dowladda qireen in ciidamadoodu yihiin kuwa dumarka ku xad gudba.

Siyaasadda ka dambeysa kufsiga dumarka ayaa waxay tahay mid lagu doonayo in lagu abuuro ururo dhaqaale ku raadsada oo si joogto ah uga shaqeeya dalka Soomaaliya sida kuwa ka jira Ugand iyo wadamo kale.

Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi oo ah haweeneyda u dhaxda ra’iisulwazaare Saacid horeyna uga tirsaneyd ururada bulshada rayidka ayaa maalintii shalay shaacisay in ay sameysay mashruuc looga hor tagayo kufsiga ciidamadooda.

Caasho ayaa sheegtay in mashruucan uu u baahanyahay dhaqaale aad u badan, haddana ay soo gaartay lacag toban kun oo doolar ah oo ay bixisay Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud.

Maxaa Lagu Qabanayaa Dhaqaalaha?

Sida ay sheegtay xildhibaanad Caasho waxaa dhaqaalahan lagu furayaa goobo lagu xanaaneeyo laguna daweeyo dumarka ay soo kufsadaan ciidamadooda.

Sidoo kale waxaa lagu sameynayaa mashaariic ciidamada looga wacyi galinayo kufsiga oo ay ku jiraan heeso.

Micnuhu waa kufsigu ha socdo, annagana waxaa inoo soo baxay mashruuc oo waxaan diyaar u nahay in aan daweyno oo aan xeryo ku dajino dumarka dhibanayaasha ah.

Fursad Usoo Baxday Ciidamada Dowladda Federaalka.

Mashruucan ay Hormuud taageertay wuxuu fursad weyn u siinayaan ciidamada in ay sii wadaan kufsiga waayo waxaaba la sameeyay hey’ad aanan la’aantood shaqeyn Karin.

Sidoo kale wxuu mashruucan ciidamada tusinayaa in raali looga yahay ficiladooda foosha xun islamarkaana xal loo arkay in la sameeyo xarun lagu daweeyo dumarka ay kufsadaan.

Maxaa Hormuud Ku Khasbay In Ay Dhiiragaliso Kufsiga?

Lama oga illaa iyo hadda wax shirkadda ku kallifay in ay mashruucan dhaqaale ku bixiso, haddii la dhihi lahaa waa la khasbay xildhibaanad Caasho ayaa waxay leedahay “madax ka tirsan shirkadda ayaaba nala soo xiriiray oo inoo sheegay in ay ku deeqeen lacagta”!!.

Warar hoose oo aynu helnay ayaa waxay sheegayaan in masuulka Caasho la xiriiray uu yahay Cali Sh/Yaasiin (Cali Fadhaa) oo horey uga tirsanaa hey’adda Elman ee xuquuqda Aadanaha.

Haddii madaxda shirkadda la ogaayeen arintan waxay u muuqataa in ay doonayaan is baddal cusub oo dimuqraadi ah kana duwan kii horey loogu yaqiinay.

Sidoo kale haddaaney madaxda shirkaddu ka war qabin lacagta uu bixiyay Cali fadhaa waxaa cad inaanu jirin nidaam shirkadeed sax ah oo ay Hormuud leedahay qof walbana uu qaadadiisa darsanayo.

Saameynta

Hormuud waa shirkadda ugu sumcadda wanaagsan dhammaan sharikaatka dalka ka jira taasna waxay ku muteysatay adeeg hufan, ka dhowrsanaanta xumaha iyo taakuleynta dadweynaha.

Haddaba ficilkan ay sameysay oo aanan ahayn kii ugu horeeyay ayaa waxaa muuqata in uu shirkadda u keeni karo saameyn weyn oo dhinacyo kala duwan ah.

Macaamiil badan ayaa suura gal ah in adeegyada shirkadda ay uga go’aan dhan caqiido, qaarkoodna ayba ku nacaan u iilashada shaqaalaha gumeystaha.

Dabayaaqada sannadkii lasoo dhaafay waxay shirkaddu dayac tirtay garoonka Ex-Luujino ee degmada Cabdilcaziiz si loo soo nooleeyo gandhihii Caariyaadka ahaa ee ku cayaari jiray kubadda kolayga!!.

Maxaa La Gudboon Hormuud?

Madaxda shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud waxaa la gudboon in ay marka hore ogaadaan in magaalada Muqdisho ay soo martay marxalad la islaaxiyay haddana ay ku jirto marxalad la fasaadinayo, sidaa darteed waxaan leeyahay haka qeyb qaadanina fasaadka socda (قال تعاالي: (و لا تفسدو في الارض بعد إصلاحها


Tan kale haddii aad u bareereysaan in la joojiyo kufsigan ay gaaladu kasoo shaqeysay, abaabula mashruuc aad adinka leedihiin oo aaney heeso iyo fasaadin kale ku jirin.

Haddii aad dhaqaale bixineysaan waxaa taakulo idinkaga baahan dad badan oo ay ku jiraan haween la kufsaday, caruur iyo waayeelo ku xanuunsanaya Isbitaalada iyo xabsiyada ay maamulaan ajaanibta iyo dowladda.

Waxaan si khaas ah idinkugu naseexeynayaa in aadan maamulkiina ku darin dad Iin leh (sumcadoodu dhaawacantahay) ama kasoo shaqeeyay mashaariicda hagar daamada ah.

WQ: Prof. Cali Xaaji Iidle (History)

Sheekh Cali Katiin oo ka hadlay ayaa yiri  hoos ka Dhageyso.

Dhinaca kale Sheekh Cali Katiin oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in falalka  kufsiga ah ee ay geysanayaan Askarta Dowladda Fedraalka aan looga hortagi karin lacago la uruuriyo iyo Mashaariic laga soo minguuriyay dowladaha reer galbeedka oo la fuliyo, wuxuuna xusay in Shareecada Islaamku ay dejisay Shuruuc looga hortagi karo Kufsiga iyo Zinada, islamarkaana ay habboontahay in Shirkadaha Soomaalida ah ay qaadaan Jidkaasi, intii kharash badan ay ku bixin lahaayeen mashaariic aan waxba kasoo naaso cadaaneynin.

23612604

Halkan Ka Dhageyso Kalimadda Sheekh Cali Katiin