Weriye C/casiis Koronto ayaa waxaa la soo sheegaya in ay maxkamaddu ku xukuntay hal sano oo xarig ah.
Sidoo kale haweeneydii ay maleeshiyaadka dowladdu kufsadeen ee uu Koranto wareysi uu ka qaaday awgeed loo xiray ayaa sidoo kale ay maxkamaddu hal sano oo xarig ah ku xukuntay.
Marqaatiyaashii ku cadeyn lahaa in Maleeshiyaadka dowladdu kufsadeen haweeneydaas ayaa loo diiday inay maxkamadda ka hor cadeeyaan wixii cadeymo ah oo ay hayaan.
Xarigga iyo xukunka Weriye C/casiis Koronto noqonaya mid baadil ah maadaama aan lagu xukumin sharciga Islaamka Islamarkaana aan xukunkiisa loo cuskan sharci sida ay qabaan ehelada iyo garyaqaanada u doodayay.
Xukunka ay maxkamaddu ku ridday C/casiis Koronto iyo gabadhha ay Maleeshiyaadka kufsadeen ee uu wareystay ayaa ku soo aadaysa markii dhowaan shirkadda Hormuud ay afada ra`iisalwasaare Saacid gacanta u galisay aduun lacageed oo gaaraya 10 kun oo Dollar oo la sheegay in xarun loogu furayo gabdhaha ay Maleeshiyaadka dowladdu soo kufsadaan.
Arintaas ayaa dadku waxaa ay ku tlmaameen mid dhiiri gelinaysa kufsiga, maadaama aanay jirin cid wax ka qabanaysa askarigii wax kufsada islamarkaana gabadhii uu kufsaday xero lagu xanaanaynayo la sameeyay.