Mudaaharaaradkii looga soo horjeeday Madaxweyne Xasan Culusoow:
Xasan Sheikh wuxuu gaariga kasoo degay sidii lagu yaqiin isagoo dhoola cadeynaya balse halmar ayaa wajigiisu isbadaley ka dib markuu la kulmey boqolaal Mudaharaadayaal ah oo boorar isaga ka dhan ah iyo qoraalo watay.
Mudaharaadka ayaa ahaa Mid aan rabshado wadan balse dadka isusoo baxay waxay Fariintooda u gudbiyeen si nabadgalyo ku jirto.
Ma ahan kii ugu horeeyay oo ka dhaca London,waxaa hada ka hor lagu banaanbxaxay Cabdulaahi Yuusuf oo xanuunsan oo isbitaalkiisa hortiisa loogu banaanbaxay ,waxaa dadkii ku banaan baxay laga xasuusan karaa Tarsan Duq Banaadir, Yariisow,Radio Bar kulan,Ex afhayeenkii maamulkii shariif,Prof Guure oo hada horjooge ka ah wafdiga Xasan Garguurte,kana tirsan kuwa xildhibaanada Mahiiga kuwa loo yaqaan oo qurbajoogta u badan.
Xasan Sheikh oo mudo saacado ah ku sugnaa Guriga Chatham House halkaasoo uu kulan kula lahaa Qurbo joog iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Ingiriiska, halka boqolaal qof oo mudaharaadayaala ay Banaanka ku sugayeen.










Banaadir Post.