VIDEO MAQAL AH:-Abwaanada Muna Axmed Cabdala “Diyaano” oo ka mid ah Abwaaniinta Soomaaliyeed ee ku nool London ayaa ka deyrisay sidii ay u dhacday loona qaban qaabiyay Xafladii lagu soo dhoweeyay Xasan Sheikh Maxamuud “Garguurte”.

24314098Wareysi dheer oo ay maanta siisay Warbaahinta Horseed Media ayaa wax lagu xumaado ku tilmaantay sidii loo maamulay xafladii ka dhacday Magaalada London ee lagu soo dhoweeyanay Madaxweynaha Soomaaliya.

Abwaanad Muna Axmed Cabdala , ayaa Wareysigeeda ku sheegtay in goobta  ay xaflada ka dhaceysay ay maamulkeeda isku koobeen dhowr qofood oo laga keenay Magaalada Muqdisho ee Xarunta u ah Soomaaliya ayna qaribeen habsami u socodkii xaflada sida ay u sheegtay Horseed Media.

“Xasan Sheikh Maxamuud waa Madaxweynaheyga waana Madaxweynaha Soomaaliya cid iga xigta ma jirto , laakiin Mikrafoonka waxaa la igu diiday Gobolka aan ka soo jeedo aawadiisa balse anigane Diyaano ma ihi qof qabyaalada ka shaqeyso dadka lacag bey bixiyaan anigase dhiigeyga baan ku bixiyaa  umada Soomaaliyeed ne waa ogtahay” ayay tiri Abwaanad Muna Diyaana.

Wareysigaan oo dheer ee uu  qaaday Cabdiqani Cali Dalmar,  halkan ka dhageyso

Xigasho Horseed Media.

24294066 (1)