Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka soo muuqday Tv-ga Aljazreera qaybtiisa ku hadasha luuqadda English, isaga oo u muuqda weriye ama siyaasi caadi ah oo wareysi bixinaya.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkiisu ku soo noq noqonayay in Soomaaliya ay horumar gaarsiiyeen ciidamada shisheeye islamarkaana ay dowladdiisa aqoonsadeen dalalka reer galbeedka.Marka madaxweyne uu sidan oo kale wareysi u bixinayo inta badan waxaa jira siiqo amaba hab gaar ah oo loo qaabilo wareysigana uu u bixiyo.
Mararka qaar waxaa laga yaabaa in xaalad xasaasi ah ay jirto islamarkaana loo baahdo madaxweynuhu inuu hadlo, waxaana marka sidaasi ay dhacdo madaxweynaha uu qabtaa kaliya shir jaraa`id amaba saraakiil ka tirsan xafiiskiisa ayaa war kooban jeediya.
Laakiin muuqaalkiisii ee xalay ayaa ka duwanaa, waxaana uu u muuqanayay weriye oo kale arinkaasi oo ah mid aan u qalmin qof madaxweyne ah.
Marka dhinacyo badna laga eego qaabkii uu wareysiga u bixiyay ayaad moodaa inuu yahay mid isagu uu aad u danaynayay inuu Tv-ga ka soo muuqdo islamarkaana war uu maamulkiisu iyo ciidamada shisheeye ee ilaaliya ku amaanayo ka hadlo, isaga oo aan wax tixgelin ah siin iskana halmaamay maqaamka madaxweynenimo iyo habka ay warbaahinta ula hadlaan.
Si kastaba ha ahaatee madaxweynayaashii ka dambeeyay bur burka Soomaaliya oo ay kamid ahaayeen C/qaasim Salaad Xasan, C/llaahi Yuusuf Axmed, Shariif Sheekh Axmed iyo welba xubno wasiirro iyo xildhibaanno ah ayaan xitaa sidan oo kale laga haynin in warbaahin ay uga soo muuqdaan.
Waxaana qaAbkan la dhihi karaa kii ugu liitay ee nin madaxweyne ah uu ula hadlo warbaahin ceynkan oo kale ah, Waxaad iska dhigto ayaad tahay, axay ka dhigaan hadii raacdo waa dhibkaaga.
Waxaa maalin walba la arkayaa cilado ku soo baxaya xisbiga Dammul jadiid.
XIGASHO HARAR24.