Xasan Garguurte ayaa xalay London kula kulmay dadka degan London,wuxuu u jeediyay khudbo dheer oo meelo badan taabanaysa,taaso ahayd mid dadku horey u maqli jireen,maxa yeelay waxaa hada soo gaaray Shariif Sheekh Axmed iyo Tarsan oo wada socda waxaana la ogayn meesha maanta ku danbeeyeen.
Xasan Garguurte dadka oo kula hadaly London waxay u badanayeen SINGLE MOTHERS iyo reero kala nool SAPERATE kuna hoos nool dhaqaalaha yar oo ay ka helaan waxa loo yeero Ceyrta,taaso la siiyo dadka liita oo aan wax haysan.
Xasan Garguurte ayaaba aqoon u lahayn dadka oo la hadlay inay yihiin fuquro hadana u badnaa dad isku beelo ah oo aan ka koobnayan soomaali oo dhan,wuxuuna ogaaday goor danbe!
Dadka la wacay ama xaflada yimid ayaa u badnaa beelo gaar ah,waana iska caadi in Somalida ka dhex dhacdo waxa loo yaqaan LOOMA DHAMA.
Oday Saperate ah iyo hooyo Singal ah maxay Somaliya ka qaban karaan,waxaa magaalada London ka tagay dad badan oo Somali ah oo kala tagay dhamaan dhulka Somaliyeed oo dhan,waxaana Somaliya looga yaqaan DANYUUSBARO oo kalmad qiimo hooseysa kana hadlaysa siday u hooseeyaan bulsho ahaan.
Qurbajoogta London ka tagtay waxaa ka mid ah Tarsan,Duqa Moqdisho,Yariisow,Ina Cabdi Shakuur W-wayne,ninkii bada Somalida siiyay Kenya,kuwaas oo dadka aad u yaqaan ka dayrshaan dadnimadooda.
Waxaa kale oo London ka yimid xildhibaano tiro badan oo lagu daray golaha Barlamaanka Mahiiga,sida ninka loo yaqaan Guure, oo qabanqaabiye ka ahaa safarka Xasan Garguurte ku yimid London.
Banaadir Post.
FIIRO GAAR AH:-Qoraalka hoose wax shaqo kuma laha Banaadir Media Group.
Ogaysiis ————- Ogeysiis ————– Ogeysiis
Mudaharaad ka dhan ah madaxwayne Xasan Shiikh oo ka dhici doona London
Ummadda Soomaaliyeed ee nabada jecel waxaa lala socodsiinayaa in ururka Sahal iyo jaaliyada UK ay wada dhigi doonaan mudaharaad looga soo horjeedo qaabka hogaanka uu dalka ku wado madaxwayne Xasan Shiikh. Jaaliyaddu waxay aad uga xun tahay siyaasaddaha guracan xun ee uu la soo baxay Xasan Sheekh, taasoo jaaliyada UK ay ka cabsi qabto in dalka uu galiyo markale dagaal sokeeye.
Ujeedada mudaharaadku waa inaan muujino inaan kasoo horjeedno ku dhaqan la’aanta dastuurka fadaraaliga ah, hantida iyo guryaha ee Muqdishu lagu haysto ilaa 1991, qaadista cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya, iyo farogalinta ay dawladu ku hayso maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka, iyo xadgudubka, caburinta lagu hayo suxufiyiinta ka hawlgasha Muqdisho.
Mudaharaadka waxaa lagu qaban doonaa goobta iyo waqtiga soo socda:
Maalinta: Isniin
Taariikhda: 04.02.2013
Saacada: 3:30 ilaa 6.30pm
Barta kulanka ka hor mudahaaradka:
St James’s Square
Goobta mudaharaadka: Chatham House, London, SW1Y 4LE
Wixii faahfaahin dheeraad ah kala soo xiriir taleefanada hoose ku qoran:
1. 07428639219
2. 07983540388
3. 07985438544
4. 07535835783
5. 07956590026
Fiiro gaar ah: Fadlan soo qaadata dharka qaboobaha oo usoo diyaargarow inaad dibada u taagnaato badbaadinta dadkaaga, dalkaaga iyo damiirkaaga.
Waxaa imaan doona warbaahinta noocyadeeda kala duwan ha moogaan oo ha ka maqnaan mudaharaadkan oo noqon doona mid taariikhi ah insha allah.