Sida ay sheegeen macluumaad laga helay dadka deegaanka ah iyo cilmi baaris la sameeyay ciidamadii jabay ee Itoobiya ayaa dagaalkii Muqdisho u isticmaalay bambaanooyin ka samaysan maadada suntan ah ee Phophour-ka cad (White phosphorous) taasi oo mamnuuc ka ah in loo isticmaalo dagaalada iskaba dhaafe in lagu isticmaalo meel magaalo ah oo ay ku suganyihiin dad rayid ah.
Documentiyo la helay ayaa cadeynaya in ciidamada Itoobiya ay 13 April sanadkii 2007-dii u isticmaaleen bambaanooyin iyo madaafiic ka samaysan maadada phosphour-ka dagaal culus oo ka dhacay xaafadda Shiirkole ee magaalada Muqdisho kaasi oo si toos ah u dhexmaray iyaga iyo Mujaahidiinta.
Sida ay xusuustaan intii Muqdisho ku sugnayd amaba la socotay xaaladda, dagaalkaasi waxaa uu ahaa mid si weyn loogu naafeeyay ciidamad aitoobiya, waxaana documentiyada la helay ay sheegayaa in militariga Itoobiya ay isticmaaleen suntan phosphourka kadib dagaalka oo aad ugu adkaadaty.
Macluumaadka ay soo gudbiyeen dadka deegaanka ayaa waxaa ka mid ahaa inay arkayeen hub culus islamarkaana aad u ifiyay guud ahaan magaalada Muqdisho inay ridayeen ciidamada Itoobiya habeenimadii xilli uu dagaalku si aad ah u sii xoogaysanayay.
Sidoo kale waxyaabaha dadka reer Mqudisho ay indhahooda xilligaasi ku arkayeen xilliga habeenkii ah ayaa waxaa ka mid ah in marka ciidanka Itoobiya madaafiicda ay ridayaan dadku ay arkayeen ulays sida kubadda u samaysan oo hawada ka soo hoobanaya.
Muuqaaladaasi ay dadka dagaalka goob joogga u ahaa soo tabinayeen ayakamid ah astaamaha lagu yaqaan hubka ka samaysan maadada Phosphour-ka cad.
Dadka dhaawacyada isbitaallada loo seexiyay ee hubkaasi waxyeeleeyay jirkooda ayaa waxaa lagu arkayay gubashi sida macdan dhalaalay oo kale ah, waxaana astaamahaasi ay kamid yihiin in hubka nuucaasi ah ay isticmaaleen ciidankii dagaalka lagu wiiqay ee Itoobiya.
Sidoo kale dhulka ay ku qarxeen hubkaasi ayaa ciiddu waxaa ay ahayd mid cadaana ah oo u muuqaal eg dambaska, amaba jikada, taasi oo astaamaha lagu yaqaan aad u xoojinaysa.
Dhibane ay saamaysa maadada phosphourka, korkiisa waxaa ka muuqda gubasho daran.
Sample ama qayb yar oo kamid ah ciidda meel uu ku qarxay gantaal ay soo tureen ciidanka Itoobiya oo baaritaan la marsiiyay ayaa lagu ogaaday in 117 mar ay ka sun badnayd ciidda caadiga ah taasi oo ahayd mid cadaana ah oo xitaa urkedu doorsoomay, waxaana quburo Militari ay baaritaanka kadib sheegeen inay tahay ciiddaasi mid ka kooban maadada phosphourka cad oo aad u badan.
FG: Sawirkan waa meel ka mid ah Muqdisho oo uu ku dhacay hub ka samaysan maadada Phosphourka oo ciidamada Itoobiya ay Muqdisho ku garaaceen waxaana soo daabacday kooxda la socodka Hubka Soomaaliya ee Monitoring Grou sanadkii 2007.
Garoonka kubadda cagta ee Mogadishu Stadium ayaa sidoo kale documentiyada la hela ay sheegeen in ciidanka ay isticmaaleen hub ka kooban maadada Phosphour-ka cad isla xilligaasi, kadib dagaal culus oo halkaasi ka dhacay.
Ethiopiana ayaa arrimahaasi iska dhega tiray kuna tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, laakiin dhiigga shacabkeenna Muslimka ah ee Soomaaliya ayaa ah mid aan la halmaamin doonin islamarkaana xisaab adag laga geli doono!
Ciidanka ayaa lagu xusuusta inay Muqdisho ka gaysteen xasuuq aad u daran iyaga oo isticmalay hub nuucyo kala duwan oo ka caagan in lagu isticmaalo goobaha shacabka, waxaana weli Muslimiinta Soomaaliya iyo deegaanadoodaba ka muuqda astaamaha iyo dhaawacyadii ciidanka itoobiya ay u gaysteen.
Si kastaba ha ahaatee ciidamdada shisheeye ee ku soo duulay Soomaaliya nuuc walba iyo magac walba ha wataan xilliga ay doonaanna ha joogaane waxaa ay geysteen gumaad xoogan ,waxaana ilaa hadda jirta shaki buuxa oo laga qabo in ciidamada shisheeye ee ku howlgala magaca Amisom ay sida kuwii Itoobiya oo kale u adeegsadeen Hubka mamnuuca ah ee Phosphourka iyo kuwa lamidka ah.
Badda Soomaaliyaa sidoo kale sida ay sheegayaan warar hoose waxaa lagu tijaabiyaa hub laga soo fogeeyayay dalalkii soo saaray iyadoo dadka masaakiinta ah ee kaluumaysatada ah ay arinkaasi la kulmaan inta badan.
Soomaalia ayaa baylah u ah dalal shisheeye oo shidaal ka qota gudaha Soomaaliya Badda iyo Berrigaba, sidoo kale ugaarta ayaa ah mid ay iska dal dashaan ciidamada shisheeye kuwa dhulka ku sugan iyo kuwa badda fadhiya oo shabaqyo waaweyn u samaystay si ay u xaalufiyaan badda Soomaaliya oo ah meel la ciir ciiraysa kalluun aad u macaan oo nuucyo badan.
Xigasho: Warbixin Monitoring Group ee sanadkii 2007. waxaa dabacay bogga http://wsws.org sanadkii 2007.
http://wsws.org/en/articles/2007/08/ethi-a13.html
XIGASO HARAR24.