TWITTER:-250.000 account oo la burburiyay qashinkana ay ku dareen kuwa Netka weerara.

24276740Sida ay baahisay waaxda amaanka shirkadda Twitte, ku dhowad 250,000 oo Accountoo u diiwaangashan shirkadda Twitter ayaa si rasmi ah loo bur buriyay kadib markii lagu soo qaaday weerar.

Kooxaha shuftada Computerrada ah ee loo yaqaan “Computer Hackers” ayaa la sheegay inay soo weerareen shirkadda Twitter iyaga oo tiro badan oo accountiyo ay Twitter leedahay cagta mariyay.

Shirkadda Twitter  ayaa sheegtay inay xoog ku soo galeen kooxo shufto ahi qaanadaha qaaska ah ee ay leeyihiin 250,000 oo xubnood kuwaasi oo gebi ahaanba jiiray Passwords-kii iyo dhamaanba Checkpoints-kii dhanka amaanka.

Waxaana ay Twitter intaasi ku dartay in ka hor inta aan weerarka nuucan ah lagu soo qaadin Accounadaasi ay dib u habayn ku samaysa Passwords badan sababo la xiriir amaankooda islamarkaana ay ogaysiin doonto xubnihii iska lahaa.

Weerarka dhanka Computerka ah ee lagu soo qaaday Shirkadda Twitter ayaa ku soo aadaya xilli bogagga jariiradaha New York Times iyo Wall Street Journal oo kamid ah warbaahinta Mareykanka ay dumiyeen kooxo burcad ah goor sii horeysay.

Inkastoo Twitter ay tahay shabakad warbaahineed oo ay isticmaalaan bulshada ugu badan ee caalamka hadana waxaa ay u muuqataa inay qayb ka tahay dhinacyada dagaalka caalamiga ah kaga jira dunida daafaheeda, waxaana weerarka lagu soo qaaday uu u muuqdaa mid loogu aanaynayo sababo dhaqaale, siyaasadeed amaba diineed, wallow aanay jirin cid sheegatay weerarkaasi.

Ugu dambeyntii Twitter ayaa weerarro nuucan oo kale ah kaga digtay shabakadaha iyo sharikadaha kale ee mareegaha dhanka Internetka ah ee caalamka daafihiisa.