Haddii aan waxyar dib ujalleecno baarlabaankii hore ee Jabuuti lagusoo dhisay wuxuu kakoobnaa laba kooxood iyo bar aan isku raad iyo asalba ahayn balse ay isu keentay dhismihii ujeeddo badan ee beesha caalamka.labada kooxood waxay kala ahaayeen qabqablayaashii dagaalka ee Dalka burburiyey iyo Maxaakiimtii Islaamiga ahayd ee kadhicinayey kana adkaaday ugu dambeystii,barkuna wuxuu ahaa xoogaa odayaal dhaqameed ah oo ayaga laftoodu labada dhinac kala raacsan.iskudarkoodu waxaan filayaa inuu ahaa 550 Xildhibaan.
Waxay ahaayeen laba qeybood oo aan weligoodba wadashaqeyn karin laakiin sababta laysugu daray ayaaba ahayd inaysan wada shaqeyn.Qabqablayaashu waxay matalayeen beesha caalamka laba sababood dartood.Tankoobaadi waa inay ahaayeen niman weligoodba uhiilanaa danaha shisheeye oo ay ugu horeyso burburinta kudhaqanka shareecada Islaamka iyo iibgeynta culumada soomaaliyeed iyo suuqgeynta hubka lagu laayo shacabka masaakiinta ah ee Soomaaliyeed IWM,Taasoo markii dambe keentay in looga hiiliyo wadaadadii jebiyey.
Qeybta Maxaakimta usoo goostay oo tiradoodu ay kabadnayd 200 xildhibaan ayaa lafilayey inay shacabka meteli doonaan inkastoo ay kudhaarteen Dastuurkii beesha Caalamka balse taasi maysan dhicin.Si kastaba ha,ahaatee baarlamaankii noocaa ahaa ayaa xilkii iska qaaday kadib markaii ay saxiixeen heshiiskii kambala accord bartamihii 2011 kadhacay isla magaalada kambala ee dalka uganda.
Baarlabaankan cusub hadda wuxuu kakooban yahay isla kooxdii hore ee qabqablayaasha dagaal oogayaashaa ahaa iyo qurbajoog laga keenay dalalka reer galbeedka ah.waxaa xusid mudan inay qurbajoogtu ahayd dadkii qabqablayaasha dagaalka eedeyn jiray markii hore.Laakiin qurbajoogtani ma,aha kuwaa ee waa qurbajoog kooxeed lamid ah kuwa qabqablayaasha ah,waa wax afka qalaad lagu yiraa sekulaare afsoomaaligana lagu yiraahdo diin laawe qunyarsocod,ama dabacsane.intooda badan ma,aha dad diin shaqo kuleh ama kudhaqma sida ay fartay.
Qoladani waxaa lagu bedelay booskii wadaadada.Halkii wadaadada laga filayey inay shacabka matali doonaan,waxaa kuwaan laga filayaa inay wadamadii ay kayimaadeen metelaan.
CADDEYN
B) Wadamadii ay kayimaadeen ayaa weli biil uga socdaa reeahoodiina lacagtii ceyrta weli kaqaataan, ayadoo uu wadamadaasi sharcigoodu dhigayo in qof dibadda joogaa uusan cayr qaadan karin.
T) Muddadii uu baarlabaanku jiray waxay kadoodayeen arimaha dhaqaalaha oo kaliya iyo qarashaadka dowladda taasoo hadda umuuqata inay usii gogol xaarayeen hayadda maaliyadda ee ay beesha caalamku usoo diraneyso dalka soomaaliya. seddex bilood ayeey howshaan wadeen laba bilood oo fasax ahna way qaateen.weli waxaa inoo dhiman dal dagaal kujiro oo baarlabaankiisii siduu udhamaa fasax galay laba bilood kudhan.
J) waxaa amar lagusiiyey inaysan kahadlin maamulgoboleedyada iyo arimaha federaalka gaar ahaan maamulka loodhisayo kismaayo.yacni baarlabaan ahaan uma fariisan karaan mana uga hadli karaan ilaa amar dambe?.
X) Weli kama aysan hadlin Xuduudaha Soomaaliya xagga badda iyo xagga berigaba.
Kh) Baarlabaankii oo jira ayeey beesha caalamku cusbooneysiineysaa maandheytka ama joogitaanka ciidamada AMISOM.
D)Dib u eega wadamada ay kakala yimaadeen xildhibaanada,waxaan filayaa inay badankoodu kayimaadeen mareykan iyo Canada oo iskumid ah iyo Ingiriiska waa dhici kartaa halhal kayimid wadan kale oo reer galbeed ah.waxa soo raaca kuxigeenada oo ayaguna Suudaan iyo Pakistaan ubadan.markii laga reebo R/wasaaraha oo kenyaati ah.
Waddamada hadda safaaradaha xamar kulasoo ordaya waxaa ugu badan kuwa xildhibaanada keensaday markii hore.
Baarlabaanka , ciidamada, iyo hayadda maaliyadduba waa ajaaniib.waana tankeentay aqoonsiga mareykanka.
W/Q, Xagaleey.