Waxaa Caawey Bastoolado iskula baxay oo isku dhaartay qaar kamida Saraakiisha Villa Soomaaliya,waxaa la xaqiijinaya in ciidamo Nabadsugid isku sheegayey laga jafay Villa Soomaaliya laguna badalay ciidamo Ugandhays ah,taaso ay keentay cabsi iyo kala shaki balaaran oo soo kala dhexgalay kuwii la iskugu keenay inay wada shaqeeyaan taas oo maanta aad u adag.
Waxaa Shir jaraa’id qabtay Ninka sheegta Wasiirka Warfaafinta Murtad C/laahi Ciilmooge Xirsi, wuxuuna si bareer ah u sheegay in Ninka Qaraxa gaystay uu kamid ahaa ciidanka Nabadsugidda isku sheega, Wiilka ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Cabdi Xareed Maalim,oo hada been noqotay,ka dib markii ya kala hadleen laamaha amniga Moqdisho iyo Xisbiga Xasan Garguurte ee DAMUL JADIID.
Waxaa hadalka Wasiirka Warfaafinta C/laahi Ciil Mooge beeniyey oo Saxafiyiinta la hadlay, Ninka Sheegta Taliyaha Ciidanka Nabadsugidda Khaliif Axmed Erag, wuxuuna sheegay hadalo iskudhex yaacsan, mar wuxuu yiri, Ninku waa isa soo dhiibay, marna wuxuu yiri, Asaga oo Qori iyo Bastoolad wata ayuu noo yimid,waxaana hadalkaas beeniyay qeybaha kale ee amaanka!!
Waxaa Asna hadlay, Ninka sheegta Taliyaha Dambi Baarista, C/laahi Xasan Bariise, wuxuu yiri, ‘Ninka Qaraxa gaystay waa laga shakiyey maalmahaan oo dhan ayuu nagu wareegayey. Markii aad dhagaysato ayaad ogaanaysaa sida ay u kala hadleen, haddii Bariise run sheegayo muxuu u xiri waayey Nin maalinkasta ciidankooda kudhex wareegaya?, soo Dadka Guryaha iyo Xaafadaha Magaalada Muqdisho kama soo raafayaan Nimanka sheegta Nabadsugidda, maxay Nin Xarakada Al shabaab kamida ugu dhexwareegayaa Villa Soomaaliya?.
Saraakiil kamida Beesha Mareexaan ee Saacid Shirdoon u qaabilsanaa Ammaanka ayaa waxay sheegeen in Bariise iyo Khaliif Erag ay lacag qaateen oo ay Amar ka haystaan in la khaarajiyo Saacid Shirdoon,waxaan Villada dhexdeeda ka jira khilaaf iyo kala aamin bax aad u baahsan,dad qaar ayaaba qaba in beel beel halis loogu jiro,waxaa kale oo la sheegaya in arinka Kismaayo ama Jubooyinka oo qolaba si u rabto iyada oo la wada joogo Villada dhexdeeda,waxaana meesha ka maqnayn waxa loo yeero Hawiye iyo Daarood!.
Waxaa jahwareer weyn soo kala dhexgalay ciidanka sheegta Nabadsugidda iyo Saacid Shirdoon, Wasiiro kamida Golihiisa iyo Rag la shaqeeya Xasan Gurguurte. Nimanka sheegta dowladda ayaa dhawaan Xabsiga dhigay, Shakhsiyaad ay sheegeen in ay isdaba mariyeen deeq waxbarasho oo laga helay Wadanka Turkiga, waxay sheegeen in ay Labo Qof xireen, lama ogo in Xabsiga ladhigi doono, C/laahi Xasan Bariiso oo sheegta in uu baaritaan u qaabilsan yahay Murtadiinta Asaga oo sheegay Ninka isku qarxiyey in la ogaa oo uu kusoo laalaabanayey ciidanka Villa Soomaaliya ku xaraysan.
Sidoo kale lama garanayo in xabsiga ladhigi doono, Taliyaha Nabadsugidda Ninka sheegta Khaliif Axmed Erag oo beeniyey Warka Wasiirka Warfaafinta uu Saxaafadda u sheegay, sidoo kale waxaanan la ogayn Wadaaddada Al-ictisaam iyo Islaaxa in laga joojin doono imaanshaha ay imaanayaan Villa Soomaaliya, Warar kale ayaa sheegaya Xasan Gurguurte in uu doonayo Nin Islaaxa in uu kadhigo Raisalwasaare laakiin uu doonayo in la khaarajiyo inta uu wadanka ka maqan yahay.
Dhagayso Ninka sheegta Wasiirka Warfaafinta C/laahi Ciil Mooge
Dhagayso Khaliif Axmed Erag iyo C/laahi Xasan Bariise MP3 Halkaan Riix Ama Guji
Banaadir Post.