QARAN JABAY IYO QANDARAASLEEY “NGO”:-Haweenay ay walaalo yihiin Xasan Garguurte oo ka been sheegtay Kufsiga iyo darxumada ay gaystaan Maleeshiyaadka Dowlada!!

24215169Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamay wax lala yaabo Marwo Nuurto Sheekh Maxamud ee ay walaalo yihiin Xasan Sheekh Maxamud Gudoomiyaha Ururka Daryeelka Qoyska iyo Caruurta ee SFCC  inay u adeegsato xilkii ay u haysay horumarinta haweenka inay ku xaqirto dumarka iyadoo ay rabto inay u hiiliso  walaalkeeda.

Arrintan waxay ka dambeysay kadib markii ay waraaq ay qortay ay gaartay Hay’adaha Qaramada Midoobay iyadoo beeninaysa haweenay la kufsaday oo ku xadgudub weyn u geysteen xubno sheeganaya Ciidamada qalabka sida.

Warqadaas waxaa ay sheegaysa in baaritaan lagu sameeyay haweenayda la kufsaday oo ah marwo la qabo, baaritaanka waxaa la sheegay inuu sameeyay dhaqtarka ay leeyihiin Booliska ee Madiina oo aan oolin wax qalab ah oo sameyn kara baaris noocaas ah.

Waxaa ugu naxdin badan ayay leeyihiin hay’adaas qof lagu aaminay inay gacan siiso haweenka inay u adeegsato kalsoonadaasi difaaca walaalkeeda, waxaana eexdaas lagu tilmaamay midii ugu cuslayd ama ugu fool xumeyd tan iyo intii soomaaliya qaadatay xoriyadda 1960 -kii.

Xubno ka tirsan Ururada haweenka Baay iyo Bakool ayaa ku tilmaamay Nuurto Sheekh Maxamud inay tahay qof aan lagu kalsoonaan karin markan kadib sidoo kalena ay cambaareynayan ficilkeeda.

Isbitaalka Madiina waa goob Caafimaad oo inta badan yaala Mindiyo iyo maqasyo lagu jar jarayo Nabarada ka yimid qaraxyada iyo dilalka ka dhaca Magaalada Muqdisho, waxaana la qiyaasa dadka inta badan dhaawacyada soo gaara kuna dhinta Madiina in la badbaadin lahaa goobo caafimaad oo ka fiican.

Waxaana nasiib daro ah in Isbitaalkaas marqaati ka noqday been abuur lagu xaqirayo haweenay loo geystay kufsi in wariye la tuhunsan yahay inuu tacadigaas soo bandhigay.

Saraakiisha dhaqtarka waxaa la sheegay inay ku shaqeynayan culeys kaga yimid Nuurto iyo Wasiirka Arrimaha gudaha oo gacan weyn ku lahaa xariga Wariye C/casiis koronto.

Xigasho Newsomali.com

24215270

Banaadir Post.