Maleeshiyaadka Dowladda Xasan Garguurte oo dad safar ah ku laayay kuna dhacay inta u dhaxeysa Leego iyo Yaaqbariweyne

24195857Gaari BL ah oo ay saarnaayeen dad Rakaab ah ayaa waxaa  Maleeshiyaadka Soomaalida ay ku rasaaseeyeen qeybo kamid ah Sh/hoose gaar ahaan wadada dheer ee isku xirta Baydhabo iyo Muqdisho dhaxdeeda waxaana gaariga lagu heley inta u dhaxeysa Leego iyo Yaaqbiriweyne.

Inta la xaqiijiyay  waxaa gaarigaasi ku shahiidey ilaa 2 kamid ah haweenkii saarnaa gaariga 5 kalana waa ay ku dhaawacmeen oo ah dadkii gaariga saarnaa waxaana kamid ah kuwo xaaladooda aad u liidato oo la dhigey cusbitaal ku yaala degmada Buur hakaba ee gobolka Bay.

Gaariga larasaaseeyey ayaa waxaa uu usoo anbabaxay magaalada Muqdisho isagoona ku siijeedey magaalada Baydhabo.

Wadadani ayaa noqotay tan iyo intii ay soo gaareen maleeshiyaadka DF wado dhimasho u saaxiib ah laguna dhaco dadka musaafirka ah ee isaga kala gooshaya wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii ciidanka Amisom “Gumaadsom” ayay dad rayid ah ku xasuuqeen degaano hoos taga Leego,dadkaas oo u badana arday dugsi quraan dhigaysanaysey,waxaana ilaa hada aan ka hadal Amisom iyo kuwa dabadhilifka u ah ee ku sugan Villa Somaliaee magaalada Moqdisho.9

Banaadir Post.

24185350