RAAFKA RAYIDKA MOQDISHO:-1,000 qof oo Kaaraan laga raafay iyo xaalada Xamar oo sii xumaanaysa!

24178325In ku dhow 1,000 qofood oo kamid dadka muslmiinta ah ee ku noolaa xaafado kamid ah degmada kaaraan ayey gacanta ku dhigeen maleeshiyaadka Soomaali ad oo taabacsan Dowladda Federaalka ka dib markii ay howlgalo ay ku qab qabaneyaan dadkaasi ay ka bilaabeen gudaha degmada.

Dadka ay xireen maleeshiyaadka waxay geeyeen xabsiyada ay ku tacdiibineyaan dadka muslmiinta ah oo ay xireen,  iyadoona ay jirdillo xoogan ay u geesteen  dadkii ay  qabteen aroortii hore ee shalay, qaar kamid ah ay soodaayaan in kastoo badi dadki ay qabteen welli ay ku jiraan xabsiyada.

Dadka waxaa baaritaanno ku sameeyneyey gaalada Afrikaanta iyo kuwu caddaan ah oo heysta xabsiyada magaalada Muqdisho,kuwaasi oo reebaneya dadkii ka muuqato sunada Nabigeena {SC} ayna ku sheegaan in ay yihiin Mujaahidiinta maadaama muhaahiidiinta ay ku caan bexeen in la soo daahiriyo sunada.

24182637

Mid ka mid ah dadkii ay xireen maleeshiyaadka oo markii danbe soo daayeen ayaa inoo sheegey  wax yaabihii uu lamkulmey iyo qaabka dadkaasi loo qabtey isagoona sidoo kale sheegey in laxirxirey dhalinyaro badan oo kunooleed xaafadda Jammhuuriya ee dagmadaasi Kaaraan.

Waxaa aad loo iibsadaa dadka la soo qabto qaarkii awooda  inay siiyaan lacag Maleeshiyaadka gacanta ku soo dhigay,waana wax caadi ka ah magaalada Moqdisho oo sii galaysa xaalad aad u adag, ka dib loo adkaysan waayay Maleeshiyaadka dhaqanka xun oo la soo dhoobay dhulka la deganyahay.

Dhibaatooyinka maleeyshiyaadka Soomaaliya ay ugeysteen ummadda muslmiinta  maalintii shaley waxaa kaloo kamid ah dil bareer ah oo ay u gaysteen nin Ganacsate caanka   ka ahaa gudaha degmada Dayniile kaas oo ay ku dileen mehradiisa ganacsi isagoona meydkii yiiley halkaasi mudo badan.

Banaadir Post.

24152074