Inta badan Wargaysyada Yurub ka soo baxa ayaa aad uga faalloonaya sababta uu Faransiisku Dagaalka ugu qaaday Wuqooyiga Maali oo ay Muslimiintu gacanta ku hayaan iyadoo hadal haynta ugu badani tahay sababta xiligaan ugu soo beegmay dagaalku? Waxaa la wada ogsoon yahay in sanadkii 2003 dii ay Franceaad u mucaarada dagaalkii lagu qaaday Ciraaq ee Marayku hor boodaha ka ahaa.
Dawladaha gaalada ah dhamaantood waxay ka siman yihiin qiyaana iyo xigdiga waliba marka y la tacaamulayaan Muslimiinta mana jirto wax muuqda oo la sheegi karo taariikhada Caalamka ee gaal u qabtay dan Muslimiintu leedahay taana waxaan noo caddeyay Qur’aanka Kariimka ah, Maraykanku sababtii uu Ciraaq u galay wuxuu ku sheegay in ay meesha yaallaan hub aad wax u gumaada oo Saddaam uu aduunka qatar ku hayo isaguna uu yahay gargaar deg deg ah waa isla hadalada France ka soo burqanaya laakiin sababta saxda waxay ahayd in uu helo Shidaal raqiis ah sidaa darteed ayuu u qabsaday Ciraaq maantana u haystaa cawaaqibtiina waxay noqotay in Baqdaad guryahay ku yaallaa aysan Biyo iyo Koronto la’aan yihiin Shidaalka dhulkooda laga soo saarana New York baabuurkasta oo lagu wado ugu yaraan hal Liitar oo Ciraaq laga keenay ayaa ku jira.
Dhinaca kale adduunka maanta dagaalada dhacayaa waxaa la oran karaa waxay salka ku hayaan Tamarta ama Energy- ga Shidaalka marka laga soo tago dhamaan reer galkeedku waxay ka siman yihiin in ay aad u isticmaalaan Nukleerka Tamarta (Korontada) , France waxay leedahay 59 xarun Nukleerka Tamarta laga dhaliyo kuwaas oo soo saara 75% Koronta laga isticmaalo France.
Macdanta Yuraaniyamka waxaa asaas u tahay oo aan looga maarmayn Bacriminta Nukleerka waxaana la dhihi karaa haddii macdantaa la waayo reer galkeedka waxaa ka damaya korontada iyo waxkasta oo ku shaqeeya sidaa awgeed waxay ku qasban yihiin in ay helaan macdantaa Yuraaniyamta ah qiime kasta ha ku gaadhee.
Maali waxaa daris wadaagaan dalka afaraad ee aduunka ugu soo saarka badan Macdanta Yuraaniyamta Niger, labadoodana waxaa Gumaysan jiray Fracne, Niger waxaa ku yaalla laba God oo Yuraaniyamta laga soo saaro oo Shirkado Fransiis ah leeyihiin waxaana tirakoobyo badani sheegayaan in 25% Yuraaniyamta France laga soo saaro Niger gaar ahaan Godka weyn ee Arlitin ee ay gacanta ku hayso Shirkadda AREVA ee Fransiiska ah.
Niger waxaa lagu magacaabaa Sacuudigii Yuraaniyamka oo sida Sucuudigu Shidaalka qani ugu yahay ayaa iyana Yuraaniyamta qani ugu tahay laakiin sidaa oo aad arkaysaan qayraadkoodu dibada ugu baxo hadana waxaa lagu tiriyaa dalka adduunka ugu liita dhinac kasta caafimaadka, Faqriga iyo Jahliga sababtuna maaha in reer Niger ay yihiin dad xun e, waxaa gacanta ku hayaa Xukuumad Gaalada u shaqaysa isla markaana shaqadoodu ay tahay in dadka reer Niger ay dib u dhigaan dhinac cilmiga iyo wax soo saarka waayo haddii ay wax fahmaan waxay dalbanayaan xuquuq badan oo ka maqan sida in macdantooda qiime ku haboon loogu iibiyo dadka iyo dalkana wax loogu qabto haddii ay taasi dhacdana waxaa halaagsamayaa reer galbeedka oo noloshoodu ku xiran tahay Shidaalka Bilaashka ah iyo Yuraaniyamka ay soo dhacaan.
Maali dhinaceeda wuqooyi waxay daris yihiin Niger sidoo kale waxaa xuduudda labadaa dal ku nool Qabaa’ilka Tawaariqda oo xoolo dhaqato ah, Dhinaca waqooyi wuxuu gacanta ugu jiraa Muslimiinta oo Mujaahidiintu hogaaminayaan gaar ahaan marka aad Mapka Afrika eegto Magaalada GAO waxay aad ugu dhawdahay dhulka Macdanta Yuraaniyamta.
Fransiisku kali kuma aha dagaalkaan waxaa kula jiray wadamo badan oo Yurub ah, sababta ay dagaalkaan u soo qaadeen isla markaana Fransiiska gacanta ugu siinayaan waa mid iska cad waayo France waxay ka mid tahay wadamada ugu badan ee iib geeya Korontada wadamada ay ka iibiso waxaa ugu horeeya Jarmalka iyo Ingiriiska sidaa ayaa sabab u ah in labadooduba ay Iclaamiyeen in dagaalka ku barbar taagan yihiin France waliba kala qayb qaateen.
Waxaa iyana Cajiib ah in aad ogaato France waa wadanka labaad ee aduunyada Nukleerka Isticmaala qiimaha ugu jaban ku hela tamarta Nukleerka marka laga soo tago Maraykanka oo aan ognahay in uu isna tuug weyn yahay. Yuraaniyamta lagu naaxiyo Nukleerka labadooda dalna lagama helo Yuraaniyamta ay u baahan yihiin.
Dadka Muslimiinta dhibaato badan ayaa ka haysata Xukuumaadkaan gaalada u shaqeeya waayo marka aad maanta xisaabtanto kheyraadka dunidu ku kala socoto waxaa laga soo saaraa dhulka muslimiinta Yuraaniyamta ugu badan aduunka waxaa soo saara Kazakhistaan waxay soo saaraan 20 000 oo tan,
Kanada 10 000 , Australia 6 000, Niger 4 500 iyo Namibia 3 500, marka la eego wadamada reer galbeedka ah sida Canada iyo Australia macdanta ay soo saaraan waa qaali oo lama iibsan karo laakiin Kazakhistaan iyo Niger oo labaduba ku nool yihin Muslimiin khayraadkooda waa kuwo la dhaco qoraalo la sameeyay ayaa sheegaya in warshadaha soo saaraa Yuraaniyamta shaqaalaha ka shaqeeya ee reer Kazakh oo midkiiba macdanta uu soo saaraa labadii sano qof reer Yurub ah Guri u dhiso isagiina uu xanuun u dhinto 15 sano ka dib isagoo 14 qoys oo reer Yurub ah Guryo u dhisay sidaa si la mid ah ayaa ku dhacda Shidaalka reer Aala Sucuud.
Dagaalka Fransiiska iyo reer Yurub soo qaadeen maaha mid ay doonayeen waa mid ay ku qasbanaadeen waayo Mujaahidiintu waxay fahmeen in ilaha dhaqaalaha dibada iyo hantida ay dhacayaan la naafeeyo arinkaana waxaa aad looga dareemayey weeraro aad u baahsanaa oo lagu naafeeyay danaha reer galbeedka Afrika oo ka dhacayay sanadihii la soo dhaafay Muritaaniya, Aljeeriya, Marooko iyo kii ugu dambeeyay oo ahaa Algeerija warshad Gasta soo saarta oo ku dhawaad 50 ruux oo reer galbeed ah lagu laayay waxaana cajiib ah in Mujaahidiintu ay dadka Aljeeriya u dhashay ee Warshadaa ka shaqaynayay ee Muslimiinta ahaa iska fasaxeen maalinkii ugu horeeyay taas oo ku tusaysa in aysan cadaw u ahayn Muslimiinta marka laga reebo ninka gaalada difaacaya sida Ciidanka Aljeeriya oo kuwo gaalada la shaqeeya waxkasta oo ay doonayaana u sameeya arinkaana waxaa ku caddahay in qofka gaalo gacan siiya xitaa muslim qaldan uga hiiliya in uu ku gaaloobayo oo dilkiisa banaan yahay.
Soomaaliya waa meelaha Yuraaniyamta ugu badani ku jirto caalamka sidoo kale marka ay gaaladu eedeynayaan Iiraan waxay aad ugu dhaleeceeyaan in ay Soomaaliya Yuraaniyam ka baarayaan ama ka qaateenba.
”According to surveys, uranium is also found in large quantities in the Buurhakabaregion. A Brazilian company in the 1980s had invested $300 million for a uranium mine in central Somalia, but no long-term mining took place ”
Tarjumid: Marka la eego sida ay baaritaano la sameeyey sheegayaan, Yuraaniyam xaddi balaaran ah ayaa laga helay aagga Buurhakaba, Shirkad reer Baraaziil ah ayaa ku maalgashatay 300 milyan oo doollar si ay macdanta Yuraaniyamta uga qodato Bartamaha Soomaaliya laakiin ma dhicin qodosho waqti dheer ahi”
Somalia has untapped reserves of numerous natural resources, including uranium,iron ore, tin, gypsum, bauxite, copper, salt and natural gas.[1] Due to its proximity to the oil-rich Gulf Arab states
Tarjumid: Soomaaliya waxay leedahay Qayraad aad daboolka laga rogin oo tiro badan waxaana ka mid ah Yuraaniyamta, Birta Ore, Tin Gypsum, bauxite, Copper, Salt (Milix) iyo Gaaska Dabiiciga ah u dhigma kuwa gaaska ku jira Dawladaha khaliijka”
Duullaamadii lagu qaaday Ciraaq, Maali iyo dhulal badan oo Muslimiinta ah wajigooda labaad wuxuu ahaa in qayraadkooda la boobo waxaana muhiim ah wixii lagu laayay walaalaheena reer Ciraaq maantana lagu laynayo reer Maali anaga Soomaaliya waan haysanaa waliba mid ka badan ayaan haysanaa maahan wax lala yaabo in aad aragto Kenya, Itoobiya iyo Gaalada kale in maalinba qaybi dagaal nagu soo qaado waayo waxaa la doonayaa maaha kaliya koox ama urur gaar ah waxaa la doonayaa waa in laga ilaaliyo dalkaa in ay ka soo baxaan dad aayahooda ka tashada oo khayraadkooda ka faa’iidaysta kuna xisaabtama, waxaa la doonayaa in xukuumada iyo nidaamka meeshaa ka jiraa noqdo nidaamka Nuuri Al maaliki ee sababay in Baqdaad koronto la aan ahaato Baabuurta Ameerikana midkasta 1 litir oo ciraaq ka yimid ku jiro 24 saac, waxaa la doonayaa in baahi u dhintaan shacabka iyo ardada dalkaa sida Idris Debiga Niger ku hayo dadkaa, waxaa la doonayaa in 1000 (kun) Kiilo ee kalluunka ahi 1 doolar laga siiyo Shirkada gaalada sida ay sameeyaan Xukuumadaha Marooko iyo Algeeriya.
Diinta Islaamka in la qaataa waxay sababaysa arin aan gaalada maanta dantooda ku jirin waayo waxa koowaad ee ay na faraysaa waa in gaalada aan ku kufrino iyaga iyo waxa ay caabudayaan in aan ciriiri gaalada galino kun adkaano waliba, sidoo kale dadka diinta Islaamka u dagaalamaya dawlada ay doonayaan maaha dawlada ogolaanaysa in khayraadkooda sidaa loo daldasho ee waa mid litir kastaa oo bansiin ah qarashkiisa soo galinaysa umadda si kasta gaalada maanta jiraa xitaa kuwa bilaa diinta ama Mushrikiinta asnaamka caabuda raalli kama noqonayaan Mujaahidiinta.
Dhibaatada ay gaaladu ku hayso shucuubta Muslimiinta waxaa furaha koowaad u ah Culumaa’u suu waayo markaa xukuumadaha iyo gaalada noocaa dadka u galayaa isa soo raacaan oo dhul muslimiin weeraraan waxay fatwoodaan in dagaalka meeshaa ka socdaa muslimiin u dhexeeyo oo uu fitna yahay sida Sh Qardaawi uu fatwooday Maali in Fitno ka socoto oo dagaalka Muslimiin u dhexeeyo.
Faransiisku goorma ayuu muslimay isna tolow ? Mase Sheekhu CIA da ayuu Mufti u yahay waayo iyagu France waa u Muslim Alqaacidana waa u gaalo.
2009 ayaa fatwo noocaas oo kale ah soo saareen Jamaacada Ictisaam oo ah Jamaaco diinta allah iyo Musliimta dhibaato u gaysatay waxay ku qoreen Fatwadaas in AMISON iyo Muslimiinta la dagaalamaysaa ay yihiin Muslimiin is laynaysa Al qaatil wal maqtuul fi naar ayay dheheen”
Mujaahidiintu waxay fahmeen in dilka la dilaa askari reer galbeed ah ay ka fiican tahay in 1 warshad ama ceel oo dhulka muslimiinta ku leeyihiin shaqada laga joojiyaa ka fiican tahay markaa waxaa ka dhalanaysa in 100 qof ka ay guryahooda ku gaajoodaan ama shaqada laga eryo ka dibna daynta lagu leeyahay iyo ribadu is dul fuusho xarig isu ceejiyaan.
W/Q Bile Bilaal.