Waxaa wali socda Boobkii Qurbaha Rag kasoo laabtay, Faroole iyo Wiilashiisa oo ayaguna dhowr sano kahor kayimid qurbaha Wadanka Australia, ayaa bilaabay in ay shirkado tuug ah oo Wadanka Koonfur Afrika ka howlgala in ay dhahaan Shidaal ayey baarayaan oo ay labaxaan Macdanta, Dhaymanka iyo dhammaan khayraadka dhulka Soomaaliyeed ku jira.
Ninka ku magacaaban Wasiiru Dawlaha Maamulka Puntland Maxamed Faarax Ciise Gaashaan ayaa gaaray deegaanka Reemanti oo Magaalada Garoowe u jirta 100Km, Shirkad magaceeda lagu sheegay PECO ayaa halkaas kabilowday in ay Macdanka kaqodato, dhinaca kale waxaa jira Shirkado deegaanno kamida Puntland ku Aasaya Sunta Halista ah oo Faroole iyo Maamulkiisa baadilka ah ay ka qaateen lacago.
Wali wax wara lagama hayo, Ceelashii lagu kala sheegay Shabeelle 1 iyo Shabeele 2, waxaa Dad Aqoonyahanna ah xaqiijiyeen in khayraadkii halkaas ku jiray iyo Macdanta loo Adeegsado Maadada laga sameeyo Hubka halista ah ee Nuglayrka looyaqaano, shirkaddaas laga iibiyey si ay Adduunyada kale ugu beecgeeyaan, sidoo kale waxaa Faroole iyo Maamulkiisa baadilka ah loodiiday in ay Macdantaas ka iibiyaan Wadanka Iran, maadaama Reer Galbeedku aysan doonaynin in ay Hubka halistaa samaystaan.
Dhammaan deegaanada Puntland waxaa kasocda boob lagu boobayo khayraadka Wadanka, Dhirta, Xoolaha, Macdanta, Dhaymanka, Aargoosatada, deegaanka, Dhulka,Badda iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee khayraadka Umadda Soomaaliyeed kadhexeeya.
C/laahi Shire
Somalimidnimo.com