Kenya “Hanala siiyo 98 milyan oo Doolar oo nooga baxday Soomaaliya”

24160647Xukuumadda Kenya ayaa Qaramada Midoobay ka codsatay in dib loogu celiyo qarashaadka kaga baxay howlgalka ciidamadeeda ay ku galeen gudaha Soomaaliya.

Golaha wasiirrada Kenya oo shalay ku shiray aqalka madaxtooyada ee dalka ayaa sheegay in kaliya ay mag-dhow ahaan u heleen 28 milyan oo doolar.

Dawladda Kenya ayaa sheeganeysa 11 Bilyan oo Shilinka Kenyaatiga ah oo magdhow ahaan ay u doonayeen in ay ka heleen oo qura 2.5 Bilyan oo Shilinka Kenyaatiga ah arrinkaas oo ay ku sheegeen madaxda Kenya mid aan la aqbali karin.

Danjiraha Kenya u fadhiya QM ayaa dhawaan hadal uu ka jeediyay fadhi uu lahaa Golaha Amaanka wuxuu ka cadeeyay in Kenya aaney sii wadi karin dagaalka Soomaaliya haddii aaney helin dhaqaalihii loo ballan qaaday kuwaas oo uu sheegay in ay lagama maarmaan u yihiin qalabeynta ciidamada iyo xaqiijinta amaanka.

Dawladda Kenya inkastoo la wada ogaa in qaraarkii ay ku soo gashay Soomaaliya aysan iyadu laheyn hadane waxey isku dayday in dadka Soomaaliyeed ay ku qalado waxa ay ugu yeertay ilaalinta amaanka dalkeeda, balse iminka ay guranayaan miraha qaraar ee duulaankooda.

23613382