Taliyaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya u qaabilsan magaalada Kismaayo oo lagu xiray magaalada Nairobi.

24135216Taliyaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee magaalada Kismaayo Max’ed Sheekh Cabdi ayaa Booliiska dowladda Kenya waxa ay ku xireen Garoonka dayuuradaha Magaalada Nairobi ee Caasimadda waddanka Kenya kaasi oo Booliska Kenya ay ku eedeeyeen in waddanka si sharci darro ah uu ku soo galay.

Sarkaalka oo la hadlay qaar kamid ah Idaacadaha Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay ku qabteen Garoonka Diyaaradaha Isagoo sheegay in baaritaan Caafimaad uu halkaasi u gaaray isagoo intaa ku daray in Documentiyo Caafimaad oo uu watay ay Booliiska Kenya ku sheegeen kuwo qaldan.

Sargaalkan ayaa waxa uu tilmaamay in Booliiska Kenya ay u sheegeen in dalkiisa dib loogu celinayo gaar ahaan laga dejinayo Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho

Sarkaalkani Booliska dowladda Kenya ay ku xireen Magaalada Nairobi ayaa ah Taliyaha Ciidamada dowladda ee Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose, Kaasoo Qilaaf weyni uu ka dhexeeyay Horjoogaha Raaskaambooni Axmed Madoobe.

Banaadir Post.

24130217