DUKUMENT SIR AH:-Nuur Cadde oo si Sharci darro ah Diblomaasi ugu dhigaya nin horey Drawal ugu ahaa qaraabo dhawna ay yihiin.

24124718 Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa weli sii wada ku tagri falka Awoodeed ee uu kaga faa’ideesanayo xilka Safiir-nimo isagoona xilliyadii ugu danbeeyay ku dhaqaaqayay falal aan sharciga Safiirnimo waafaqsaneen, isla markaana ah ku tagri fal iyo ku tumasho Hantida Qaran, Waxa uuna xilligaan Qorsheenaya in Xoghaye 2aad ee Safaarada Soomaaliya Talyaaniga uu ka dhigo Wiil Soomaaliyeed oo horey u ahaa Wade Gaariga Safaarada (Driver) qaraabo dhawna ay yihiin.

“Waa wiil Soomaaliyeed oo la xaqiijiyay in Markiisa horeyba uu Sharci la’aan Wade gaari ugu ahaa Safaarada, balse uu Nuur Cadde xilligaan doonayo in sharci darro uu ugu dhigo Xogheyn 2-aad, balse waxaa nasiib ah in xilligaan Arrinta wiilkaan ay la socoto Wasiirada Arrimaha dibada, inkastoo aaynu ognahay in waxyaabo badan oo dhacaya la iska indha tiray oo dowladii iska indha tirtay hadana waxaan sugeynaa waxa ay ka yeelayaan shaqsigaan oo hadaba loo gacan geliyay Passaporka Diplomasiga” Sidaasi waxaa yiri Mid ka mid ah Mas’uuliyiinta ku dhaw Xafiiska Nuur Cadde.

Warqad oo Nuur Cadde u diray Wasaarada Arrimaha dibada Talyaaniga iyo mid uu u diray Wasiirada Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa waxa uu ku kala qoray 2 Taariikh oo kala khalifsan, taasi oo shaki gelineysa ka run sheegida shaqsigaan uu nuur cadde la damacsan yahay Xogheyn 2-aad ee Safaarada Soomaalida Talyaaniga.

dip1

Talaabada Nuur Cadde oo ku jibinayo Hadalkii kasoo baxay Wasiirada Arrimaha dibada ee ah sharci ahaanshiyaha soo magacaabida qof noqonaya Diplomasi ayaa kusoo beegmaya xilli dhowr jeer oo horey uu Nuur Cadde ugu tuntay sharciga, isla markaana ku tagri falayo Hantida Qaranka Soomaaliya uu ku leeyahay dalka Talyaaniga, iyadoona ay dhiinaca kale isa soo tareyso Qeylo dhaanta iyo baaqa ay Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Talyaaniga u jeedinayaan Dowlada Soomaaliya si wax loogu qabto Arrinta ka taagan dalka Talyaaniga.

24083548

 

https://newsfromsomalia.wordpress.com/2013/01/21/video-maqaayad-la-kireeyo-ma-ahan-safaaradosoomaalida-talyaaniga-oo-ka-hortimid-kireyntii-nuurcade-cabashana-u-diray-qof-walba-oo-ay-quseyso-dhibka-lagu-hayo-hantida-somaliyeed/

Banaadir Post.