Hadaad si fiican ugu fiirsato waxaa kuu soo baxaya qaybaha ugu qariban bulshada inay ku xiranyihiin Suufiyada, kasoobilow Hoggamiye kooxeed kasta wuxuu leeyahay Wadaad Suufi ah oo Qur’aanka ku akhriya isaga iyo gaadiidkiisa dagaalka, Isha iyo balaayadana ka xijaaba waa sida uu aaminsanyahaye.(Hogaamiye kooxeedyada Caanka ah intooda badan waxay leeyihiin xer ay ku biilaan Mawlacyo ay u sameeyeen).Kan ay u furantahay Shineemada wuxuu leeyahay Suufi beenaad Qur’aanka ugu akhriya si Macaamiisha kuxiran aanay isu dhimin.Bacadle wuxuu yiri:-
Waa cadow, caqiidiyo aqlaaq mana ciseeyaane
Colaad bay u hayaan diinta aan cidina moogayne
Calooshayda kama go’in xaqey ciribta saareene
Carabkooda yaa kula xaribiyey culimadii diinta
Yaa jaahil calan saartayoo caalim kaba siibay.
Mingislayda, fooxlayda, kuwa waxbaan sheegnaa yiraa dhamaantood waxay leeyihiin Wadaado Suufiyaal beenaad ah oo talaabo kasta oo ay qaadayaan dhabarka ka dharbaaxa si howsha foosha xun ee ay ku jiraan ugu fududaato,Waxaana intaas dheer in Suufiyadu ay ka haystaan taageerada ugu badan dadka diidan in Shareecada hirgasho, maadaama iyaga aanay xeerka ugu jirin taasi.Hadaba miyaan la’orankarin Cadawga Soomaalida u Muuqda mid ka Qatar badan oo aan dadka qaar kood u muuqanbaa jira?
Hogaamiye kooxeedka iyo inta xummaanta u saaxiibka ah waa suurtagal inay Mushtamaca u fasahaadiyaan Bulsho ahaan, hase yeeshee nasiib daro iyagu waxay u fasahaadinayaan Diin ahaan. Tusaale:- Danbi lagu dhaco waxaa ugu wayn Shirkiga, maxay tahay sababta ay u diidanyihiin in dadka Shirkiga iyo Qabuur-caabudnimada laga hor istaago?
Banaadir Post.