Saacid Shirdoon iyo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Amniga u qaabilsan Villa Soomaaliya C/kariim Xuseen Guuleed ayaa booqasho waxay ku tageen Magaalada Afgooye, waxay la kulmeen Odayaasha deegaanka waxay kadhagaysteen dacwado ay gudbiyeen, Odayaasha ayaa yiri, “Bulsha kasta Ilaahay ayaa meel ku Abuuray, waxaad dhahdeen Federal ayaan qaadanay, waxaan doonaynaa in la igula dhaqmo, deegaanka Dadkiisa haloo ogolaado in ay Aayahooda katashadaan”.
Oday kale oo kamid ahaa Odayaasha Shabeelada Hoose ee la kulmay maamulka Villa Soomaaliya ayaa yiri Asaga oo Murugaysan oo dhibaato sheeganaya sida aad hoos ka daawan doontaan, “Waxaa yimid Nin ku shaqaynaya Isir Nacayb”.
C/kariim Xuseen Guuleed oo kasoo jeeda Gobalka Mudug ayaa ka naxay Odayaasha Soomaaliyeed ee Shabeeladaha hoose gaar kuwaas oo ah Beelaha la sheego in laga tirabadan yahay walow aysan jirin cid Shacabka Soomaaliyeed tirisay, C/kariim oo Madaxweynihiisa khilaafay wuxuu yiri “Ma dhici doonto Daar Xamar ku taala Warqad laga soo saaray in Gobalka Shabeelada Hoose loogu soo magacaabo Maamul, Qofkii aad keensataan ayaan idiin xalaalaynayaa”.
Saacid Shirdoon ayaa Asna Khilaafay Madaxweynihiisa wuxuuna yiri, “Waxaad samaysanaysaan Maamul aan Muqdisho laga soo magacaabin intiina meesha fadhida si caddaalad ah oo aan eex ku jirin usoo samaysta Maamul”.
Odayaasha Cirrada leh ee madaxu caddaaday, waxaa ka keenay in ay yiraahdaan “Nin Isir Nacayb ka buuxa ayaa yimid”, waxaan filaynaa Qof kasta oo Caqli leh waa dareemi karaa in Soomaalidu kala tirsanayso Caddaaladxumo, Umadda Soomaaliyeed waa Dad Muslim ah waxay Caddaalad ku heli karaan oo ku qanci karaa Qofkii Iimaan leh waa Kitaabka Allah iyo Sunada Nabiga CS, waa adag tahay Soomaalidu in ay Sinaansho iyo Caddaalad helaan ayaga oo aanan Kitaabka Allah iyo Sunada Nabiga CS qaadan.
Ilaahay ha xiftiyo Afhayeenada Xarakada Mujaahidiinta Sheekh Cali Maxamuud Raage Cali Dheere iyo Sheekh C/casiis Abuu Muscab, waxay noosheegeen in cadowgu Dastuurada u dajiyey Federalna oga dhigay Soomaaliya in ay tahay Qabiilada Soomaaliyeed in dagaal Sokeeyo oo deegaan ku salaysan laga dhex Abuuro.
XIGASHO-Somalimidnimo.com