MAQAAL MUHIIM AH:-Mashruuca Dimoqraadiyeynta Soomaaliya oo madaxdiisii la aqoonsaday iyo howlihii AMISOM lookeenay oo hadda galay wejigii labaad.

24093560Dabayaaqadii isbuucii tegay ayeey dowladda Mareykanku aqoonsatay inay dowladda hadda kataliso dalka Soomaaliya buuxisay shuruudihii looga baahnaa garwadeenada howlaha dimoqraadiyeynta ah ee kasocda dalka Soomaaliya.

Dhanka kalena wuxuu aqoonsigaani daaha kaqaaday inay dhamaan dowladihii macmalka ahaa ee nasoo maray kadib burburkii dowladdii dhexe ay ahaayeen dhabba uxaarid lagu gaarayey aqoonsiga maanta caddaaday.

Shuruudaha lagama maarmaanka u ah dimoqraadiga eey Dowladda Xasan Sh. Maxamuud buuxisay waxaa kamid ah ladagaalanka shareecada islaamka oo ah qodobka koowaad ee dimoqraadiyada maxaa yeelay dimoqraadiyadu waxay qabtaa in lakalasaaro diinta iyo xukunka dalka ee xorta ah.

Si taas loo fuliyona waxay DF ogolaatay in dalka laga ciribtiro intii qabta in soomaaliya lagu xukumo shareecada islaamka maadaama uu dadkeenu yahay dad muslim ah.

La isma weydiinayo tirada dadka raba inay  diintooda isku xukumaan, la isma weydiinayo xaqa ay u leeyihiin inay aayahooda katashadaan,sidoo kalena laysma weydiin in awood lagu maquunin karo iyo inkale,laakiin waxaa lays weydiiyey oo qura in lameelmariyo fikradaha reer galbeedka ee qaarkood xataa kasoo horjeedaan dimoqraadiga ay sheeganayaan.

Waxaa xusid mudan in mashaacriicdan ay kubaxayaan naf iyo maal aan laqiimayn karin laakiin nasiib xumo aad bay u yar tahay nafta reer galbeedka ee halkaan ku go,eysa taas ayaana sababeysa inay hirgelinta mashaariicdani daba dheeraato.

Hirgelinta Dastuurka ayaa ayaduna kamid ah waxyaalaha lagu aqoonsaday DF ee Xasan Garguurte  garwadeenka kayahay,inkastoo uu Dastuurkani xadidayo awooda Madaxweynaha ayeey haddana muuqataa inuu aqoonsigu kudhiiri gelinayo inaysan dowladdu arintaas aad u eegin.

Waxaa la oran karaa aqoonsigu waa madax salaax kabaabyeyn ah, dhanka kale aqoonsigu wuxuu sii kordhinayaa joogitaanka reer galbeedka ee badaha soomaaliya intii ay kasoo kabanayaan burburka dhaqaale ee ku habsaday,gaar ahaan mareykanka iyo talyaaniga oo labaduba xaalkooda dhaqaale uu hadda aad u liito.

Waxaan la iloobi karin in dalka Norway oo ah dalka noo sameeyey Dastuurka ay maanta DF kudhaqmayso uu leeyahay Parti ama Xisbi siyaasadeed oo diini ah lana yiraahdo Kristelig Folkparti,oo micnihiisu yahay Xisbiga dadka Kiristaanka ah ee Norway,halka uu dastuurku mamnuucayo in Soomaaliya yeelato Xisbi Islaami ah oo dalka laga dhiso.

Ninka dowladda Norway u qaabilsanaa qoraalka iyo hirgelinta dastuurka wuxuu kasoo jeedaa xisbiga aan hadda soo sheegay ee marka lasoo gaabiyo loo qoro KRF.magaciisana waxaa layiraahdaa Bondavik wuxuuna laba jeer ku guuleystay inuu noqdo R/wasaaraha dalka Norway 1990 meeyadii.waxaana hadda loo heystaa inuu si qarsoodi ah u duqeeyey Bosniya intii uu R/wasaaraha ahaa.

AMISOM waxaa hadda u bilowday wejigii labaad ee howlgaladooda ay kawadaan dalka Soomaaliya, markii lagasoo tago gummaadka iyo bahdilaadda ay ku hayaan shacbiga Soomaaliyeed waxaa udheer inay ilaaliyaan oo ay meelmariyaan Dastuurka ay beesha caalamku usameysatay dalka Soomaaliya.

AMISOM waxay awood uleedahay inay riddo oo ay ka hortimaado haddii ay DF hirgelin weyso shuruudihii iyo caqdigii ay lagashay dowladda mareykanka.waxayna sitoos ula wareegtay awoodii ay hore u isticmaali jireen xafiisyadii uu maamuli jiray mahiga.

W/Q, Xagaleey.

118425_600