Waxaa sii kordhaya dareenka iyo kacdoonka Soomaalida ku dhaqan dalka Talnaayiga oo si weyn uga dhiidhiyay kana xun kireynta Dhismaha Safaarada Qaranka Soomaaliyeed uu ku leeyahay Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, taas oo uu si sharci daro ah ku kireeyay in ka badan 19-sano oo soo socta Danjiraha ugu awooda badan Danjirayaasha Soomaaliya u fadhiya dunida dacaladeeda.
Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Talyaaniga ayaa qeylo dhaan iyo cabasho xoogan u diray Baarlamaanka Soomalaiyeed in ay tilaabo ka qaadaan Danjiraha kalsoonida ka heysta ina addeerkiis Xasan Garguurte,horeyna uga haystii Shariifkii tagay oo la sheegay inow lacagta qaar la cunay.
Halka hoose ka daawo cabashooyinka iyo Qeyla dhaanta isa soo taraya ee ka imaanaya Jaaliyada Soomaaliyeed ee Talyaaniga iyo shaqaalha Saafarada oo ka wal walsan awood sheegayshada Shaqsiyadeed ee lagu kureystay hantidii umada Soomaaliyeed.
Daawo:Qeylo-dhaanta Soomaalida Talyaaniga:
XIGASHO Shacabkamedia