Wax badan ayaa iska badalay hawl maalmeedka idaacadaha taageera ciidamada shisheeye ee magaalada Muqdisho.
Asbuucan oo dhan waxaa laga dareemayaa dabacsanaan ku aadan dacaayaddii ay u sameyn jireen ciidamada shisheeye iyo amaantii ay ka sheegi jireen kuwa soo duulay,maxaa iska bedelay kuwa dulaysnaa?
Wariyaasha qaar ayaa u muuqday kuwa ka baaqday shaqadooda halka qaarkoodka ay ka meermeerayeen eray bixinada ka dhanka ah diinta islaamka oo ay hore ugu tuman jireen.
Arintan ayaan la ogeyn waxa ka dambeeya walow dadka qaar ay kuu sheegayaan in ay sabab u tahay fal dil ah oo ay rag hubeysani u geysteen wariye ka tirsanaa idaacadda Shabelle oo kamid ah kuwa taageera Amisom, walow dilkiisa meelo badan loo saaray.
Ilaa iyo hadda lama oga cidda ka dambeysa dilka wariyaha Shabelle inkastoo dhacdada lagu dilay ay kusoo aaday xilli uu khilaaf ka dhax jiro Idaacaddaasi iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ee DF Tarsan.
Sidan Miyey Ku Wadayaan Shaqadooda Dabadhilifnimo?
Maya. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “ilowsho dhawaa ma umul baa” ilama ahan in Idaacadaha cadawga is badal sameynayaan hadduu Tarsan beegsado iyo haddii cid kalaba wariye ka disho.
Maalmaha ugu horeeya ayey is madadaalinayaan kadibna halkooda ayey kasii wadayaan faaxishada iyo u garbinta gaalada sababtoo ah waa dad lagu shaqeysto oo aanan marnaba is weydiineyn ujeedada ay u dhimanayaan.
Calooshood u shaqeystanimada ay ku sifeysanyihiin ayaa waxaa ka marqaati kacaya sida aaney uga hadli karin wariye u xiran ciidamada Bsta muddo ku dhawaad laba todobaad ah kaasoo loo heysto haweeney la kufsaday oo uu wareysi ka qaaday.
Waxaa Idacaada Shabeele booqasho ku tagay Saacid Shirdoon,Wasiirkiisa Arimaha Gudaha iyo Shariif Sheekuna oo inta badaN lagu eedeeyo inow lug ku leeyahay hagardaamada lagu hayo saxaafada Moqdisho ka howl gasha.
Waxay kulamo la qaateen ninka iska leh Radio Shabeele oo dhawaan Qurbaha ka yimid.